Khamiis,
Markabka MV Danica White iyo shaqaalihii la socday ayaa loo waday dhanka dalka Jabuuti, si ay halkaas ugula kulmaan shaqaaluhu qoysaskoodii oo ku sugaya halkaas, iyadoo maalinta soo socota ee berri ah lagu wado inuu Markabku gaaro xeebaha dalka Jabuuti.
Markabka ayaa la xaqiijiyay in lagu sii daayay lacag madax furasho ah, iyadoo lacagtaas lagu sheegay inay gaaraysa 500-kun oo Dollar, iyadoo markabkaas lagu daray markab kale oo faransiiska uu leeyahay oo ah nooca dagaalka, isla markaana goobta u yimid inuu ka badbaadiyo markabka mar kale inuu ku dhaco gacanta afduubayaal kale oo Soomaali ah.
MV Danica White; ayaa waxaa lagu qafaashay xeebaha Soomaaliya 1-dii June ee sanadkan, isagoo qalab gacansi oo kuwa dhismaha ah u waday dalka
Dowladda Denmar waxay ku tilmaantay xeebaha Soomaaliya meelaha ugu qatarsan marka la eego burcad badeedda, waxaana wararku sheegayaan in
Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online






