Khamiis, August 23, 2007(HOL): Gudoomiyaha Degmada B/weyne Axmed Gobey Cawaale oo dhawaan Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madax-weynaha lagaga qaaday Xilkii uu ka hayay degmada B/weyne ayaa sheegay in uusan ogeyn Mas’uuliyiin Cusub oo la soo magacaabay islamarkaana isagu wali yahay gudoomiyaha Degmada.
Axmed Gobay ayaa sidoo kale sheegay in uusan xilka ku wareejin doonin sida uu hadalka u dhigay warqad A-4 ah oo aan wax washarci ah ku fadhin, waxaana uu intaa ku daray in shabka reer B/weyne oo xiriir la soo sameeyay ay ka codsadeen in uu xilka sii hayo.
Guddoomiyaha oo la weydiiyay su’aal aheyd waxa ay ka wada hadleen kulan dhawaan uu la qaaday Saraakiisha Ciidamada Itoobiya, waxaa uu sheegay in Sarkiishu u soo bandhigeen sidii looga wada shaqeyn lahaa nabad-galyada guud taasoo aan ka aqbalay ayuu yiri.
Hadalka Gudoomiyaha Degmada B/weyne ayaa muujinaya khilaafka adag ee wali u dhaxeeya Mas’uuliyiinta Maamulka Gobalka Hiiraan, waxaana wali ku sugan gudaha Magaalada B/weyne dhamaan xubnihii Dowlada Federaalku soo magacaawday kuwaasoo aan wali wax xil ah lagu wareejin.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online






