13.3 C
London
Saturday, November 8, 2025

Askari ka tirsan Mileteriga Dowladda Federaalka oo maanta lagu fuliyay xukun dil ah

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, August 23, 2007(HOL): Askari ka tirsan ciidamada Mileteriga Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Farxaan Cabdi Kulmiye, kana tirsanaa guutada 115-aad ayaa maanta lagu toogtay fagaaraha Iskoolka Booliiska ee Gobolka Banaadir.

 

Farxaan Cabdi Kulmiye oo ah askariga la toogtay ayaa waxaa la sheegay inuu horay dilay askari ay iska tirsanaayeen guuto qura oo lagu magacaabi jiray C/raxmaan Maxamed Jaamac Maxamuud, kaasoo uu toogtay bartamihii bishii July ee sannadkaan,xilli uu soo dhexgalay khilaaf yar.

 

G/lle C/waaxid Maxamed Xuseen oo saxaafadda kaga warbixiyay toogashada askarigaan ayaa sheegay in askarigaan uu geystay fal dil ah, taasna ay tahay sababta in maanta lagu toogto sarakiil ka tirsan ciidammada Milateriga hortooda, isla markaana ay tusaale buuxda u noqoto ciidammada Dowladda ee isla shaqeeya, iyadoo dilkaa ay goobjoog ka ahaayeen sida uu sheegay C/wahaab saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidammada Milateriga Soomaaliya.

 

Wuxuu sheegay C/waaxid in dilka askarigaan loo cuskaday qodobka 19-aad ee xeerka Ciqaabta Milateriga, waxaana dilka askarigaas xukumay Maxkamadda Milateriga, kaddib baaritaanno dhowr ah oo la marsiiyay askariga.

 

Milateriga Dowladda ayaa waxay tani u noqonaysaa markii saddexaad oo uu toogto qaar ka mid ah askarta Dowladda, kuwaasoo horay geystay dilal askar kale oo ay isla shaqeynayeen, iyadoo dilalka ay askarta dowladdu isku geysanayaan ay ka sii socdaan Gobollada dalka qaarkood, sida Gobolka Shabeellada Hoose oo ay dagaallo ku dhexmaraan askarta mararka qaarkood.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).