11.6 C
London
Saturday, November 8, 2025

Baarlamaanka Soomaaliya oo u dabbaaldagay maanta sannad-guuradiisii Seddeexaad ee ka soo wareegtay aas-aaskiisa

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, August 22, 2007(HOL): Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u dabaal-degay sanadguuradii saddexaad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay, waxaana xafladdaan lagu qabtay ADC-da oo ah xarunta baarlamaanka Soomaaliya ee Baydhabo.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo xalay gaaray Baydhabo ayaa wuxuu ka mid ahaa xubnihii ka qaybgalay kulankaas, isagoo halkaas ka soo jeediyay hadal dheer oo ku saabsan waxqabadka baarlamaanka intii uu ahaa guddoomiyaha baarlamaanka oo gaareysa muddo 8-bilood oo qur ah.

 

Xafladda loo dhigay baarlamaanka ayaa waxaa ku soo bandhigay Majaajilooyin iyo heeso ka turjumaya waxqabadka baarlamaanka intii uu jiray fannaaniin ka tirsan laba koox faneed ee ka jirta Degmada Baydhabo ee Gobolka Bay, waxaana si weyn ugu riyaaqay heesaha iyo majaajillooyinka Xildhibaannadii ka qayb-galay xafladda lagu maamuusayay sannadguuradii 3-aad ee aasaaskii Baarlamaanka.

 

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu aas-aasay 22-August-2004 Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana Baarlamaanka uu deggan yahay muddo  labo sano iyo bar ah Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay, kaddib markii ay ka soo laabteen Xildhibaannada Baarlamaanka khilaaf ay ku kala joogeen Muqdisho iyo Jowhar.

 

Xildhibaanno uu ka mid yahay Maxamed Qanyare Afrax ayaa waxay ka hadleen xafladdii maanta, iyagoo sheegay in loo baahan yahay in Baarlamaanka uu howlihiisa dib boorka  uga jafo si uu ugu guulaysto inuu wax badan ka qabto xaaladda dalka uu marayo, isagoo sheegay in Baarlamaanka uu yahay kan ay ku dhisan tahay Dowladda hadda dalka ka jirta.

 

Ugu yaraan 43 Xildhibaan oo uu ka mid yahay guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sheehk Aadan ayaa xilalkoodii ku waayay intii uu baarlamaanka jiray, iyadoo baarlamaanka uu yeeshay seddexda sano ee uu jiray laba guddoomiye oo kala ah; Shariif Xasan Shiikh Aadan oo xilka laga qaaday iyo guddoomiyaha hadda  xilka haya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sh. Aadan Madoobe).

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).