Arbaco,
Weerarkan oo ahaa mid socday ku dhawaad saacad iyo bar ayaa wuxuu sababay dhimashada laba qof oo mid ka mid ah ay ahayd Haweeney da’ ah, halka ruuxa kalena uu ahaa cunug yar oo isagoo hurda ay ku dhacday rasaastii ay isku ridayeen dhinacyadii u dagaalkaas u dhexeeyay.
Sidoo kale wararka ayaa waxay sheegayaan in khasaarooyin kala duwan ay kala gaareen dhinacyadii dagaallamayay, balse aan laga war-hayn khasaaraha kala gaaray inta ay le’g yihiin, waxaase ay si xooggan isku dhaafsadeen hubka noociyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan madaafiic iyo qoryaha garbaha laga tuuro ee Baasuukayaasha.
Dhanka kale, Bambo ayaa xalay fiidkii lagu weeraray ciidamo ka tirsan Mileteriga Dowladda Federaalka kuwaasi oo ku jira xeradii hore ee Tolmada, xilli ay sameynayeen sida la sheegay roondo ay ku hubinayaan ammaanka deegaannada ku dhow xeradooda, lamana sheegin khasaare ay dhaliyeen qaraxa iyo rasaas ay rideen ciidamada intaba.
Ugu dambeyntiina, Weerarrada lagu qaado xarumaha ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiyaanka ah ayaa aad isku soo taraya, iyadoo xilligaan ay weerarrada qeyb ka noqdeen hoobiyayaa lagu garaaco xarumahaas, iyo madaafiic ay ku jawaabaan askarta la weeraro.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






