Arbaco, August 22, 2007(HOL): Guddoomiyaha Degmada Buur-hakaba Max’ed Cabdi Xuseen Ow-kaarey iyo Gudodoomiyaha Degmada Diinsoor Cabdi Shiikh oo labadaba ka tirsan Degmooyinka Gobolka Bay ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku xiran yihiin gudaha Madaxtooyada Dowladda Federaalka ee Baydhabo.
wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee xarunat
Ciidammo ka tirsan kuwa ilaalada Madaxtooyada oo ay wehliyaan taliyeyaashooda ayaa la xaqiijiyay in ay ka soo wadeen Guddoomiyayaasha degmooyinka ay ka talinayaan, isla markaana ay ku soo xireen xarunta Madaxtooyada, iyagoo ka gaabsaday inay wax warbixin ka ah ka bixiyaan sababta ay Mas’uuliyiintaan u soo xireen.
Dadweynaha Degmada Buur-hakaba ayaa waxaa la sheegay in ay gadood sameeyeen, markii guddoomiyahooda ay wateen ciidamada, waxaana lagu wadaa in ay maanta sameeyaan isku soo baxyo ay ku muujinayaan xarigga loo geystay Guddoomiyahooda Maxamed Xuseen Cabdi Ow-kaarey.
Laakin waxaanan jirin wax war ah oo ay dadka Degmada Diinsoor ka soo saareen xarigga loo geystay gudoomiyahooda, waxaase la sheegay in xalaadda degmada Diinsoor ay tahay mid kacsan xilligaan, iyadoo dadku ay is weydiinayaan sababta dhabta ah ee keentay in xabsiga loo taxaabo guddoomiyaha degmadooda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






