Arbaco,
“Weerarkii lagu soo qaaday gurigeyga wuxuu ahaa mid gaadmo ah, waxaana ku soo qaaday kooxo ku hubeysan bambooyin, balse nasiib wanaag cidna waxba kuma noqon oo waan ka badbaadnay” ayuu yiri Axmed Xasan Caddoow Daaci.
Bambooyinka lagu dhuftay guriga uu degan yahay Axmed Daaci ayaa lagu sheegay tiradooda inay gaarayeen ilaa afar Bambaano oo ah nooca gacanta laga tuuro, wuxuuna sheegay mar uu ka hadlayay Axmed Daaci weerarkaas inuu dhacay xilli fiidkii ah oo dadka oo dhan ay ku sugnaayeen bannaanka guryahooda, si ay u hawo qaataan.
Axmed Daaci, wuxuu sheegay in dadka deegaanka aysan wax khasaare ah ka gaarin qaraxyadaas, isagoo sheegay inay qaraxyada la socdeen rasaas fara badan oo uu sheegay inay ahaayeen kuwo lagu doonayay in la isaga reebo ilaaladiisa oo weerarka ka hortagay markii uu dhacay.
Guddoomiyaha Degmada Wadajir, wuxuu sheegay inay kooxahaas wateen gaari yar, isagoo sheegay in ay ka carareen gaarigii iyo darawalkii waday, ayna iyagu gacanta ku hayaan, baaritaanno ay ku sameyn doonaan.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dadweynaha Deegaanka ayaa waxay sheegeen dhankooda inay maqleen qaraxyo iyo rasaas mar qura laga maqlay agagaarka guriga uu daggan yahay Axmed Daaci, iyagoo sheegay in rasaas kale ay ku jawaabeen ilaalada guddoomiyaha Degmada Wadajir Axmed Daaci, balse dadku waxay sheegeen in aysan wax war ah u hayn khasaaraha ka dhashay qaraxyada iyo rasaasta isla socday.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






