Isniin,
Degmooyinka Yaashiid iyo Huriwaa ayay sheegeen saraakiisha Booliiska inay ku soo qabteen hubkaan oo dhan, kaddib markii ay halkaas baaritaanno xooggan ka sameeyeen 48-kii saacadood ee ugu dambeeyay, waxayna carrabka ku dhufteen in hubkaan ay ku soo qabteen dadkii haystay ayna baaritaanno ku hayaan.
Madaxa Xafiiska Xiriirka Dadweynaha iyo Saxaafadda ee Booliiska Col. C/waaxid Maxamed Xuseen oo shir Jaraa’id qabtay markii hubkaas la soo bandhigay kaddib, ayaa sheegay in hubkaan uu yahay mid meelo kala gooni-gooni ah lagu qariyay ayna kasoo saareen ciidammadii howlgallada sameyay, waxaana uu carrabka ku dhuftay in hubkaan intiisa badan laga soo qabtay goobo ku dhow Hotelka Ramadaan ee Muqdisho oo ahaan jirtay xaruntii Maxkamadaha islaamiga ah.
“Baaritaankii ciidammada waxaa lagu soo qabtay Hubkaan iyo dadkii isticmaalayay, waxaana haatan ku socda baaritaanno;,dhawaan ayaana saxaafadda la tusi doonaa dadkaas oo mid walba uu sheegayo qoriga lagu soo qabtay noociisa” ayuu yiri C/waaxid Maxamed Xuseen.
Hubkaan ayaa isugu jiray Qoryaha darandoorriga u dhaca, qoryaha baasuukayaasha ah, kuwa garabka laga tuuro ee lidka diyaaradaha, Miino kuwa Rimuudka ah iyo weliba rasaas fara badan, oo ay ku jireen kuwa qoriga hoobiyaha.
Dhanka kalena, Col. C/waaxid waxaa uu sheegay inay wadaan qorshayaal ay ku dagayaan gudaha xaafadaha Muqdisho isagoo sheegay inay doonayaan inay ammaanka magaalada xoojiyaan, balse habeen walba waxaa ka dhaca Muqdisho weerarro kala duwan oo ka dhan ah Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






