14.1 C
London
Saturday, November 8, 2025

Hoobiyayaal xalay lagu weeraray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo ku sugan Deegaanka SOS

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, August 20, 2007(HOL): Saldhig ay dhawaan ka sameysteen ciidamada Booliska Soomaaliyeed deegaanka SOS ee degmada Huriwaa ayaa lagu lagu garaacay hoobiyeyaal fara badan, iyadoo aan la sheegin khasaaraha ay geysatay Madaafiicdaas.

 

Madaafiicdaan ayaan la garanayn goob ay kasoo dhacayeen, waxaase wararku ay sheegayaan inay ahaayeen kuwo ay soo tuurayeen kooxaha kasoo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo iyagu diidan joogitaanka ciidammada Dowladda ee deegaankaas.

 

Dadka deegaanka oo saakay billaabay inay ka baro-kacaan xaafadahooda ayaa waxay sheegeen in xaaladda deeegaanka oo dhan ay kacsan tahay saakay, dadkuna ay goosteen inay ka qaxaan gobta, waxaana ay sheegeen in hoobiyeyaashii xalay ay ku dhaceen goobo kale oo aan ahayn halka loo waday.

 

Col. C/waaxid Maxamed Xuseen oo ah Madaxa xafiiska xiriirka dadweynaha iyo saxaafadad ee Booliiska Soomaaliyeed saakana ka warbixinayay weerarkii hoobiye ee xalay lagu qaaday Ciidammada Booliiska ee ku sugan SOS ayaa sheegay inaysan wax khasaare ah geysan, balse ay ahaayeen kuwo ku dhacay inta badan goobo ka fog saldhigga.

 

Wuxuu sheegay in hoobiyeyaashaas kadib ay xaaladdu ahayd mid daggan oo aysan jirin wax khasaare ah, isagoo sheegay in howlgallo lagu baadi-goobayo kooxihii ka dambeeyay weerarkaas ay ka socdaan deegaanno ka tirsan Degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir.

 

Wararka ayaa waxay tibaaxayaan in Hoobiyeyaasha lagu garaacay saldhiggaas oo ay daggan yihiin ciidammada booliiska ay tiro ahaan gaarayeen 10-madfac, mana la sheegin wax khasaare ah oo ay dhaliyeen, iyadoo sidoo kalena ay ku dhaceen madaafiicdaan guryo aan la daganayn oo ku dhow warshadii hore ee Barafuunka.

 

Dhanka kale, waxaa soo kordhaya madafiicda lala eeganayo saldhiyada Ciidammada Dowladda iyo kuwa Ethiopian ah ee ku sugan Muqdisho lagu qaado xilliyada habeenkii ah, iyadoo weerarraduna ay xoogeysteen habeennadii ugu dambeeyay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).