Khamiis,
Col. Adise oo ah Taliyaha Ciidamada Itoobiya ee joooga duleedka magaalada ayaa sheegay in sababaha ay u joogaan Magaalada B/weyn aysan aheyn Xasuuqa dad rayid ah, laakiin ay ku howlan yihiin sidii ay wax uga qaban la haayeen Nabad-galyada guud, waxaana uu intaas ku daray in weerarkii dhawaan ka dhacday magaalada ay ku eedeynayaan in ay ka danbeeyeen kooxo ka soo horjeeda joogitaankooda.
” Waxaan hubaa in inta badan hubkii lagu riday qaar ka mid ah xaafadaha Magaalada ay ka dambeeyeen kooxo ka faa’ideystay dagaalkii dhacay, waxaanse cadeynayaa dhinaceena in uu ka soo dhacay Hal qori oo ah mid aan ugu tala galnay in aynu isku difaacno lakiin cirka loo riday, Col. Adisu waxaa uu intaa raaciyay in si weyn ay isaga fogeynayaan in hub ay rideen uu dilay dad rayid ah,” Waan soo dhaweynayaa wixii ka soo baxa baaritaan lagu sameeyo arintaa ayuu sii daba dhigay Taliyuhu hadalkiisa.
Qaar ka mid ah Mas’uulyiinta Maamulka Gobalka Hiiraan oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in wax yaabihii ka dhacay habeenimadii Taariikhdu aheyd 30kii july Magalada B/weyn lagu tilmaami karo sida ay hadalka u dhigeen mid u eg Xaalada ka taagan Caasimada muqdisho oo kale, iyaga oo intaa ku daray in aan barnaba laga hari doonin sidii wax badan looga ogaan lahaa cida iska leh mas’uuliyida duqeynta dhacday.
Warka ka soo yeeray dhinaca Ciidamada Itoobiya ee ah in aysan wax lug ah ku lahayn falka dhacay ayaa dibada u soo saaraya shaki la xiriira in ay jireen kooxo badan oo habeenkaa ku lug lahaa qalalaasa dhacay, gaar ahaan waxaa isa soo taraya warar sheegaya in ay jiraan madaafiic sidoo laga soo tuuray qeybo ka mid ah xaafadaha Magaalada kuwaasoo laga yaabo in lala waayay bartilmameedkii lagu waday.
Dhinaca kale waxaa ay Ciidamada Itoobiyaanku sii dayeen dad badan oo loo qab qabteen dagaalkii dhawaan ka dhacay gudaha magaalada, sidoo kale waxaa ka mid ahaa dadka la sii dayay labo nin oo ay ciidamadu ku eedeyeen markii hore in ay ka danbeeyeen warar lagu qaaday Booyad biyaha u qaada kuwaasoo xaragoodu uu ka dhashay dagaalkii dhacay habeenkii 30ka july.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online






