Khamiis,
Ka doodista labadan Mooshin oo ay Mudanayaasha Baarlamaanka ka doodayeen muddo labo todobaad ah ayaan maantana la soo af-jarin, iyadoo mar kale maalinta Sabtida ah ee soo socota la isu wacay Xildhibaannada si ay u sii wataan Dooddooda.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) oo kulankii maanta shir guddoominayay ayaa wuxuu sheegay in mooshinka ku saabsan dardar-gelinta howlaha Baarlamaanka uu u saaray Guddi 15 xubnood ka kooban, kaasi oo ka soo talo bixin doona sida loo dardargelinayo howlaha baarlamaanka, halka mooshinka kale ee la-xisaabtanka Xukuumaddana ay Xildhibaannada ka doodi doonaan Maalinta Sabtida ah ee soo socota.
Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxya si weyn ugu kala fikrad duwan yihiin mooshinkan ka dhanka ah Xukuumadda, waxayna Xildhibaannada qaarkood qabaan in Xukuumadda ay kalsooni weydiisato baarlamaanka, halka Xildhibaano kalena ay ku doodayaan in dib loo eego waxyaabaha ay qabatay Xukuumadda.
Xildhibaannada kala ah Cabdi Cabdulle Siciid Jinni Boqor iyo Caasha Axmed Cabdalla ayaa si cad waxay bannaanka ula taagan yihiin in Xukuumadda uu ka dhamaaday waqti horay loo siiyay in ay ku shaqeyso, sidaas darteedna ay tahay in ay mar kale baarlamaanka hor-timaado, isla markaana ay weydiiso kalsooni kale oo ay ku shaqeyso.
Laakin Xildhibaano ay ka mid yihiin Muuse Suudi Yalaxow, Maxamed Qanyare Afrax iyo Salaad Cali Jeelle iyo kuwo kale ayaa waxay qabaan fikir kaas ka duwan oo ah in Xukuumadda ay kalsooni weydiisan karto Baarlamaanka, balse ay tahay in loo soo maro qaab sharci ah.
Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ah Mudanayaasha qaba in aan Xukuumadda lala xisaabtamin ayaa sheegay in aysan jirin meel Axdi Qaramadeedka u degsan Dowladda Federaalka ay kaga qoran tahay in la xisaabtanka Xukuumadda loo tixraaco heshiisyo ay galeen Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, wuxuuna caddeeyay in haddii Baarlamaanka uu la xisaabtamayo Xukuumadda aysan ahayn in uu dib u qooraansado heshiisyo ay galeen madaxda sare ee Dowladda Federaalka.
Ugu dambeyntiina, mooshinkan ka dhanka ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo beegay xili aysan Mudanayaasha Baarlamaanka qaadan wax gunnooyin ah muddo afar bilood ka badan, inkastoo dhawaan la siiyay gunnooyin labo bilood ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






