12 C
London
Monday, November 10, 2025

9 Ruux oo ku dhintay Weerarro hubeysan oo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, August 02, 2007(HOL):  9 ruux ayaa ku dhimatay, in ka badan 20 ruux oo kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray iska hor-imaadyo hubeysan oo xaafado ku yaala magaalada Muqdisho ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

 

Weerarkii ugu xoogganaa oo ay dadka ugu badan ku dhinteen ayaa wuxuu ka dhacay inta u dhaxeysa Xeradii Taangiyada Ood-weyne iyo Xeradii Guul-wadayaasha, halkaasi oo lagu weeraray Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan ah oo fariismo ku lahaa.

 

Halkaas waxaa ku dhintay 8 ruux oo 4 ka mid ah ay Dumar ahaayeen, halka 4-ta kalena ay ahaayeen Rag, waxaana la sheegay in ay dadkaas dhintay ku habsadeen madaafiic hoobiyayaal ah oo ay labada dhinac isku ridayeen.

 

Dadka dhaawacmay ayaa la dhigay Isbitaalka Xasan Jiis ee Magaalada Muqdisho, inkastoo ehellada dadka dhaawacmay ay sheegeen in ay dhibaato ka muteen sidii ay dadka ka dhaawacmay u gaarsiin lahaayeen Isbitaalkaas, sabab la xiriirta magaalada oo xiliga habeenkii bandow ku jirta.

 

Sidoo kalena Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan Xarunta Villa Baydhabo ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa weerar ku qaaday kooxo hubeysan, waxaana halkaas ku dhimatay Haweeney Shaah iibineysay, halka ay ku dhaawacmeen 7 Askari oo ka tirsanaa Ciidamadii joogay Xarunta Villa Baydhabo, kuwaasi oo dhaawacooda la dhigay Isbitaalka Madiina.

 

Weerar kale oo la isugu adeegsaday hub culus iyo mid fudud ayaa waxaa lagu qaaday Ciidamo Itoobiyaan ah oo fariisin ku leh  Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium, kuwaasi oo sida la sheegay ay weerar gaadmo ah ku qaadeen kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda joogitaankooda dalka Soomaaliya.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ayaa xiliyada habeenkii waxaa ka dhaca weerarro lagu qaado fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka, wuxuuna weerarkii xalay ku soo beegmay iyadoo habeennadii aynu ka soo gudubnay ay jireen weerarro lagu qaadya fariisimo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).