Axad 19, July, 2007 (HOL) – Wararkii ugu danbeeyay qasaaraha ka dhashay gagaal culus oo maalintii shalay ku dhexmaray Tuulooyinka Goobo iyo Wabxo oo ka kala tirsan Gobalada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa sheegaya in dadka ku dhintay ay gaarayaan 25 ruux halka in ka badan 18 ruux ay ku dhaawacmeen.
Sidoo kale waxaa ay wararku intaa ku darayaan in dhinacyada dagaalku dhax-maray ay gubeen qeybo ka mid ah goobihii lagu dagaalamay, gaar ahaan deegaanadii ay ku noolaayeen dadka xoola dhaqatada ah, waxaana sidoo kale intii uu dagaalku socday la bur buriyay qeybo ka mid ah baraakihii ay isticmaali jireen dadka xoola dhaqatada ah ee ku nool dhulka lagu dagaalamay.
Dagaalka maalintii shalay dhacay oo ahaa kii ugu qaraaraa ee dhax-mara labada beelood waxii ka danbeeyay hishiis kol hore ay kala saxiixdeen wax-garadka labada Beelood ayaa u muuqda mid sii xumaanaya marka la eego sida ay wax u socdaan, ilaa hadana ma’jirto wax waan waan ah oo ay wadaan dhinacyada dagaalamaya si xaalka loo qaboojiyo marka laga reebo baaqyo warbaahinta ay ka jeedinayaan wax-garadka dhanacyada dirirtu u dhaxeyso.
Dagaalkan ka socda dhulka Miiga ah ee u dhaxeeya Gobalada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa ah mid ku saleysan dhul-daaqsimeed iyo muran ka dhashay deegaano laysku heysto ayaa hada u muuqda mid ka sii gudbaya, Mas’uuliytiinta maamulka Gobalka Hiiraan ayaa dhinacooda ka gaabsanaya iyaguna in ay ka hadlaan wararka ku saabsan dagaalkan walow hadana ay ku cadeynayaan qaarkood in uu jiro dagaalkii ugu danbeeyay ee dhacay.
Gudoomiyaha Degmada Maxaas Aadan C/dulle Cawaale ayaa sheegay in dhawaan dhinacooda xiriir la soo sameeyeen wax-garad iyo odayaal ka soo jeeda degamada Guri-ceel si markaa loo qaboojo xisada ka dhax-oogan labada Beelood, isaga oo intaa ku daray in dhinacooda ay soo dhaweeyeen baaqa odayaasha, lakiin ma’jiro war ka madax-banaan sheegashada Gudoomiyaha.
12-July Sanadkii aynu soo dhaafnay ayaa kulan balaaran oo ka dhacay Deegaanka Maxaas Waxaa lagu soo af-jaray colaada u dhaxeysa Labada dhinac, iyada oo hishiiska labada dhinacna ay qalinka ku wadda duugeen Ugaasyada Labada Beelood Ugaas C/qaadir Ugaas Faracade iyo Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif, lakiin colaada markale soo cusboonaatay ayaa mid meesha ka saartay hishiiskii horay loo gaaray.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online