14.1 C
London
Saturday, November 8, 2025

Khilaaf soo kala dhexgalay Mas’uuliyiinta Heer Gobol iyo Degmo ee Gobolka Hiiraan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, August 18, 2007(HOL): Waxaa si weyn u soo ifbaxaya khilaafka adag ee u dhaxeeya Mas’uuliyiita Maamulka heer Gobal iyo Degmo ee Gobalka Hiiraan, kadib markii Guddoomiyaha Gobolka  Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) uu ku gacan seyray Mas’uulka dhawaan Dowlada Federaalku u soo magacaawday  in uu noqdo Guddoomiyaha Degmada Beledweyne Cilimi Saney Qaasim.

 

Khilaafka Labada dhinac ayaa sababay in dib loo dhigo Munaasabad Xilka loogu wareejin lahaa Gudoomiyaha cusub ee Degmada, waxaana wararku intaa ku darayaan in lawado dadaalo loogu kala dab-qaadayo labada Mas’uul si markaa loo dhameeyo khilaafka soo kala dhax-galay oo ah mid ku saleysan Eedeymo la xiriira in Mas’uulka loo soo magacaabay Xilka Gudoomiyaha Degmada uu  ku tirsanaa Maxkamadii Islaamiga ee Gobalka Hiiraan.

 

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo ka biyo-diidsan qaabka magaacaabistu u dhacday ayaa wali u muuqda mid u aqoonsan in uu yahay Gudoomiyaha Degmada Axmed Gobay Cawaale oo aan wali xil  wareejin sameyn.

 

Cilmi Saney Qaasim oo loo soo magacaabay gudoomiyaha Degmada B/weyn ayaa ka hor inta aysan la wareejin hoggaanka Gobolka  Maxkamadihii Islaamiga ee markii dambe laga adkaaday waxaa uu ahaa Duqa Magaalada B/weyn, isagoo markii dambe ku biiray Maamulkii Maxkamaddii Islaamiga ahayd ee Gobalka Hiiraan taasi oo ka taqalustay Nidaamkii  uu  guddoomiyaha ka ahaa Yuusuf Dabageed.

 

Waa markii ugu horeysay tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Dowladdu ku lug yeelatay Magacaabista Mas’uuliyiinta Gobolka Hiiraan uu soo if-baxo khilaafkan oo kale, oo marka dhan laga eego ku saleysan Siyaasadaha ay kala aaminsan yihiin mas’uuliyiita la soo magacaabayo taasoo dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne u ah hadal heyta ugu sareysa.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).