Sabti,
Isagoo ka hadlayay kulan uu la qaaday Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa wuxuu intaas ku daray Madaxweynaha
Madaxweynaha
Intii uu socday kulanka dhexmaray labada madaxweyne ayuu madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuuusuf Axmed isna warbixin ka siiyay dhiggiisa Kenya shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Muqdisho ka socda, kaasi oo bilowday 15-kii bishii hore ee aynu ka soo gudubnay, wuxuuna tilmaamay madaxweyne Yuusuf in shirkaas uu yahay mid lagu nabadeynayo dalka Soomaaliya.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxaa uu sheegay in Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed uu yahay midkii ugu horeeyay ee noociisa ah oo lagu qabto gudaha Soomaaliya in wejigiisii koowaad uu si guul leh ku soo dhamaaday, isla markaana looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen xalinta khilaafaadka Beelaha, Nabadda iyo Hub-iska-dhigidda.
Wejiga labaad ee shirkana wuxuu sheegay in looga hadlayo arrimo ay ka mid yihiin Siyaasadda, Dowlad-Wanaaga, Qeybsiga Awoodda iyo Kheyraadka dalka iyo weliba dib u dhiska dalka.
Dhanka kalena, madaxweynaha Kenya oo ka hadlayay Shir ay lahaayeen Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Ammaanka 13 dal oo ku yaala Bariga Afrika ayaa wuxuu ka sheegay in dalalka Afrika looga baahan yahay in ay deg deg Ciidamo ugu diraan Soomaaliya, si loo soo af-jaro dhibaatooyinka ka jira.
“Waa in aan dhamaanteen maskaxda ku heynaa in maalgelin aan ku sameyno nabadgelyo iyo ammaan lagu soo dabaalo Soomaaliya in ay horumar u tahay gobolka oo dhan”ayuu yiri Madaxweynaha
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






