14.1 C
London
Saturday, November 8, 2025

Kooxo hubeysan oo xalay weeraray Saldhigyo Boolis oo Magaalada Muqdisho ku yaala

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, August 18, 2007(HOL): Habeenkii xalay ahaa ayaa saldhigyo boolis oo ku yaala Magaalada Muqdisho waxaa lagu qaaday weerarro loo adeegsaday Bambooyinka laga tuuro, iyadoo weerarradaasina ay geysteen kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Saldhigyada weerarka lagu qaaday ayaa waxay kala yihiin  Saldhigga Degmada Hodan iyo Saldhigga Degmada Wadajir, iyadoo weerarka hore lagu qaaday Saldhigga Degmada Hodan abaarihii 9:00 habeennimo, halka weerarka lagu qaaday Saldhigga kalena uu dhacay 11:00 habeennimo.

 

Weerarka lagu qaaday Saldhigga Degmada Hodan ayaan la soo sheegin khasaare uu geystay, inkastoo dadka degan nawaaxiga Saldhiggaas ay sheegeen in ay kooxihii weerarka soo qaaday iyo Ciidamada Booliska ay isu adeegsadeen rasaas xooggan.

 

Guddoomiyaha Degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow Daaci ayaa sheegay in weerarka lagu soo qaaday saldhiggooda uusan wax khasaare ah geysan, isla markaana ay ciidamadii Saldhiggaas joogay oo sida uu yiri taxadar qabay ay ceyrsadeen kooxihii soo weeraray.

 

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa caadi ka noqday weerarrada habeenkii lagu qaado fariisimada ay degan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya, waxayna taasi wel wel ku abuurtay dadka degan meelaha u dhow fariisimada ciidamadaas, kuwaasi oo mar walba weerar suge ah amaba xitaa mararka qaarkood ay waxyeello ka soo gaarto rasaasta iyo madaafiicda ay labada dhinac isku ridayaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).