11.8 C
London
Saturday, November 8, 2025

Dagaal xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, August 17, 2007 (HOL): Habeenkii xalay ahaa ayaa caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho waxaa ka dhacay dagaal dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanayay Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.

 

Dagaalkii xalay ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa uu ka dhacay nawaaxiga Warsahaddii Sigaarka iyo Taraqa iyo Xeradii Guul-wadayaasha oo fariisin u ah Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo weerarkaasina uu dhacay abaarihii 9:30pm.

 

Inkastoo aan la xaqiijin khasaaraha soo gaaray labadii dhinac ee dagaalamay, hadana waxaa jira warar sheegaya in uu dagaalkaas geystay dhimashada labo ruux oo rayid ah iyo weliba dhaawaca seddex ruux oo kale, kuwaasi oo ay guryahooda ugu tagtay rasaastii ay labada dhinac isku ridayeen.

 

Wararku waxay intaas ku darayaan in dagaalkaas oo markii hore ka dhex bilowday Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kooxaha hubeysan ee weerarka ku qaaday ayaa waxaa gadaal kaga biiray Ciidamo Itoobiyaan ah oo gacan siinayay Ciidamada Dowladda Federaalka.

 

Sidoo kalena waxaa habeenkii xalay ahaa Muqdisho ka dhacay weerar lagu qaaday Saldhigga Galbeed ee Degmada Madiina, iyadoo weerarkaasi oo loo adeegsaday Bambooyinka gacanta laga tuuro ay ku dhaawacmeen labo ruux oo rayid ah.

 

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa habeennadii aynu ka soo gudubnay waxaa ka dhacayay Iska hor-imaadyo hubeysan oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, iyadoo weerarradaas habeenkii dhacana ay dad badan oo rayid ah ku kalifeen in ay guryahoodii ka barakacaan, isla markaana ay deegaan ka sameystaan meelo Muqdisho duleedkeeda ah oo joogitaankooda ay dhibaato ku qabaan sabab la xiriirta in aysan deegaanadaasi lahayn adeegyada aas-aasiga ah ee ay dadka u baahan yihiin.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).