Khamiis, August 16, 2007(HOL): Dowladda Uganda ayaa waxay shaaca ka qaaday in ay ciidamo dheeri ah oo tiradoodu gaareyso 250 askari ay u soo direyso Dalka Soomaaliya, gaar ahaana Caasimadda Muqdisho oo ay horay Ciidamo uga joogeen.
Madaxa Difaaca Ciidamada
Gen. Aronda Waxaa uu intaas ku daray in Ciidamadooda jooga Muqdisho ay mas’uul ka yihiin difaacidda Dowalada Federaalka Soomaaliya iyo weliba in ay gacan ka geystaan sidii samafalka loo gaarsiin lahaa dadka u baahan.
Sidoo kalena Wasiirka Gaashaandhigga Uganda Crispus Kiyonga ayaa sheegay in Ciidamadooda ay ku tegayaan Soomaaliya muddo bil gudaheed ah, isagoo caddeeyay in tababarka ay siinayaan Ciidamada Soomaaliyeed uu qaadan karo muddo sanad ah.
Ciidamada
Ciidamo ka socda Dowladda Uganda oo tiradooda gaareyso 1,500 oo askari ayaa magaca Midowga Afrika uga howlgelaya Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana xusid mudan in intii ay howl-gallada wadeen Afar Askari looga dilay Qarax Wadada dhinaceeda loo geliyay.
Ugu dambeyntiina Dalal ka tirsan Midowga Afrika oo horay u ballanqaaday in ay Ciidamo Nabad ilaaliyayaal ah u dirayaan Soomaaliya ayaan ilaa iyo hataan wax Ciidamo ah laga heynin, waxaana dalalkaas ka mid ah Nigeria, Malawi, Burundi iyo Ghana, inkastoo Dowladda Burundi ay sheegtay in ay Ciidamadeeda diyaar yihiin balse ay la’ dahay dhaqaalihii ay Soomaaliya ku geyn lahayd.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






