Khamiis,
Guddoomiyaha Beeraleyda Gobollada Shabeelooyinka Siyaad Cali ayaa sheegay in wax soo saarka Beerahooda uu hoos u dhac ku yimid kadib markii ay waayeen cid qiimaha fiican ka siineysa dalagyada ay beertaan.
“Hadda waxyaabaha ugu badan ee tacabno waxaa u badan Mooska oo isaga qudhiisa uu hoos u dhac ku yimid tacabkiisa 75%, waxaana taas ugu wacan iyadoo qiimaha lagu beerayo iyo mid laga helayo marka uu soo go’o aysan is-keeneynin, tusaale ahaan xili aan Mooska dhoofin jirnay wuxuu Loorkii Moos ah uu marayay qiimo ahaan 16 Doollar, haatanna wuxuu Suuqyada Muqdisho ka marayaan Loorkii Moos ah 5 Doollar”ayuu yiri Siyaad Cali oo sheegay in ay jiraan dalagyo kale oo ay tacbaan sida Galleyda, Liinta, Cambaha iyo miro kale oo noocyo kala duwan leh.
Guddoomiyaha Beeraleyda Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe Siyaad Cali waxaa uu intaas ku daray in ay dhibaato weyn ka tirsanayaan Hay’adda WFP oo uu sheegay in marka ay Galleyda uga soo go’do Beeraha ay Dalka keento Galley Mucaawino ah, iyadoo xiligaas kadibna ay waayaan cid ka iibsata Galleydii ay tacbadeen.
Guddoomiyaha ayaa hadalkan ka sheegay kulan ay shalay Degmada Afgooye ku yeesheen Beeraleyda Shabeelooyinka iyo Wasiirka Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. C/qaadir Carraale, iyadoo kulankaasna uu ahaa kii ugu horeeyay oo ay labada dhinac yeesheen.
Wasiirka Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa u sheegay Beeraleyda in uu aad ugu farxay kulanka ay wada yeesheen, isagoo xusay in uu in muddo ah daba-taagnaa oo uu xisaabtan ku hayay Hay’ado Caalami ah oo sheega in ay Dhaqaale ku bixiyaan Horumarinta Beeraha Koofurta Soomaaliya, isagoo caddeeyay in uu ogaaday in ay jiraan Hay’ado sheega in ay wax u qabtaan Beeraleyda Soomaaliyeed, balse aaney jirin waxqabad ay sameeyeen.
“Waxaan idiin sheegayaa in aan qoorta soo qabanayo Hay’addii iyadoo aan waxba u qabaneyn Beeraleyda Soomaaliyeed sheegta in ay wax u qabaneyso, idinkana waxaa la idinka rabaa in aad sheegtaan ciddii wax idiin qabata iyo ciddii aanan wax idiin qaban”ayuu yiri Dr. C/qaadir Carraale, Wasiira Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo markii ugu horeysay la kulmay Beeraleyda Gobollada Shabeellooyinka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






