11.8 C
London
Saturday, November 8, 2025

C/QAADIR XAAJI MAXAMUUD DHAQANE: “Xubnaha Baarlamaanka Xorta ah waxay dib ugu soo noqonayaan Dalka, waxayna bilaabayaan qorshe howleedyadooda”

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, August 16, 2007(HOL): C/qaadir Xaaji Maxamuud Dhaqane oo ka mid ah Xubnaha la baxay Baarlamaanka Xorta ah ee horay uga tirsanaan jiray Baarlamaanka Soomaaliyeed oo dhawaan dib ugu soo noqday Degmada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe ee uu deegaan ahaan ka soo jeedo ayaa sheegay in dhamaan xubnaha ku jira Baarlamaanka Xorta ah ay dalka dib ugu soo noqonayaan.

 

C/qaadir Xaaji Maxamuud Dhaqane waxaa uu sheegay in marka Xubnahaas ay dalka dib ugu soo noqdaan ay bilaabi doonaan barnaamijyo wacyigelin ah oo ay dadkooda uga dhaadhicinayaan in ay taageeraan qorshayaasha ka dhan ah Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

 

“Xubin kasta oo ka tirsan Baarlamaanka Xorta ah dib ayay ugu soo noqoneysaa dalka, waxayna bilaabeysaa qorshe howleedyadeeda ku aadan sidii sare loogu qaadi lahaa wacyiga dadka, mar dhow waxaad maqli doontaan Xubnaha Baarlamaanka xorta ah oo ku laabtay Baydhabo, Bakool, Beledweyne iyo Deegaano kale oo ka tirsan Dalka Soomaaliya”ayuu yiri C/qaadir Xaaji Maxamuud Dhaqane oo mar ahaa Wasiiru-Dowlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaare Geeddi iyo Mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

 

C/qaadir Xaaji Maxamuud Dhaqane waxaa uu sheegay in markii uu ku soo laabtay Dalka Soomaaliya uu kulamo la qaatay Odayaal iyo Waxgaradka ku sugan Gobollada Jubbooyinka, kuwaasi oo sida uu yiri ay ka wada hadleen Xaaladda uu dalka ku sugan yahay iyo weliba sida ay dadka ku dhaqan Gobollada Jubbooyinka ay isaga iloobi lahaayeen fikrado qaldan oo ay Dowladda Federaalka ku shubtay, waa sida uu hdalka u dhigaye.

 

Ugu dambeyntiina, Guddoomiyaha Degmada Bu’aale Prof. Ibraahim Xasan Nooleeye ayaa muddo 24 saac ah u qabtay C/qaadir Xaaji Maxamuud Dhaqane in uu uga baxo Gobolka Jubbada Dhexe, isagoo caddeeyay in haddii uu ka dhego-adeygo baaqa ay u soo jeediyeen in ay xoog uga saari doonaan Deegaanada ay ka taliyaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).