11.8 C
London
Saturday, November 8, 2025

Guri u dhow Xarunta Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo xalay Bambooyin lagu weeraray

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, August 16, 2007(HOL): Habeenkii xalay ahaa ayaa Guri u dhow Xarunta uu ka socdo Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed waxaa lagu weeraray Bambooyinka gacanta laga tuuro, iyadoo halkaasina ay ku dhaawacmeen afar ruux oo isugu jiray seddex ruux oo rayid ah iyo askari ka tirsan Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Guriga Bambo Gacmeedyada lagu weeraray ayaa la sheegay in ay degan yihiin Qaar ka mid ah Ergooyinka ka qeybgelaya Shirka Dib u heshiisiinta ee Muqdisho ka socda, inkastoo aan la sheegin qof ka tirsan Ergooyinkaas oo ku dhaawacmay Weerarkaas Bambaano.

 

Qaraxan lagu qaaday Xaafadda uu ka socda Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo muddo labo bilood ah dib loo dhigay sii amba qaadida Shirka Dib u heshiisiinta kadib markii muddo afar maalmood ah fasax la siiyay Ergooyinka Shirka.

 

Dhanka kalena, Qarax xooggan oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa saakay waxaa uu ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Ex-Koontarool Balcad iyo Xaafadda SOS ee Magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxaasina uu ahaa mid lala beegsaday Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo halkaasi marayay.

 

Qaraxaas ayay wararka naga soo gaaraya Ex-Koontarool Balcad waxay sheegayaan in uu dhibaato xooggan u geystay Ciidamadii Dowladda Federaalka oo dhimasho iyo dhaawacba ay soo gaareen, halka sidoo kale ay qaraxaas ku dhinteen Seddex Ruux oo rayid ah oo ku sugnaa Goobta uu qaraxa ka dhacay.

 

Ciidamo tiro badan oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan ayaa Qaraxaas kadib waxay baaritaanno ka wadaan xaafado u dhow halka uu qaraxa ka dhacay, iyadoo la soo sheegayo in ay gebi ahaanba istaageen isu socodka Dadka iyo Gaadiidka isaga kala goosha Isgoyska EX-Koontarool, kuwaasi oo kala aadi jiray Waddooyinka Warshadaha iyo Balcad ee magaalada Muqdisho.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).