11.8 C
London
Saturday, November 8, 2025

Waa sidee Xaaladda Dadka ka barakacay Magaalada Muqdisho oo ku sugan Degmada Cadaado?

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, August 16, 2007(HOL): Degmada Cadaado waxay ka tirsan tahay Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, waxay ka mid tahay degmooyinka ugu balaaran dhul ahaan iyo dad ahaamba Soomaaliya. Dadkeedu waxay u badan yihiin xoola dhaqato, ma lahan inta badan adeegyada aas aasiga ah ee kaaba nolosha aadanaha, 20-kii sano ee la soo dhaafay kama howl gelin maamul dowli ah, sidaasoo ay tahay hadda waxaa ku soo siyaaday dad ka soo barakacay Muqdisho caasimada Soomaaliya.

 

Waxaa la dhihi karaa tiro ahaan waxaa laban laabmay tirade dadka marka laga hadlayo xadiga dadka yimid ama tirade dadka yimid sideedii bilood ee ugu dambeysay waxaa maalin walba imaanayey degmada Cadaado soo barakacayaal cusub, kuwaasoo isugu jira qoysas soo wada guuray iyo qoysas kala qeybsamay.

 

Dadkani ma wataan wax sahay ah meeshaana ugama soo horayn dad ka nolol roon, inta badan dadkii horay ugu noolaa degmada cadaado iyo xitaa Gobolka Galgaduud oo dhan waxay ku tiirsanayd noloshoodu dadka Muqdisho hadda ka soo barakacay, sidaa daraadeed nolosha dadka degmada Cadaado kuwii horay u joogay iyo kuwii soo barakacayba waxay isugu timid laboo qaawan isma qaado.

 

Hay’adda Hormarinta iyo Gargaarka Soojeed waxay in muddo ah ku howlaneed  u kuurgelida xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin dadka soo barakacay, sidaa daraadeed ayaan la kulanay dad badan oo ka soo barakacay Muqdisho.

 

Dadkaas waxaa ka mid ah Khadijo Maxamed Faray oo ah hooyo 8 caruur ah wadata, kuna sugan degmada Cadaado, waxay sheegtay khadiijo in ay ka maqan yihiin labo ka mid ah caruurteedii, odaygii reerkuna uu jiro Muqdisho, noloshuna ay aad ugu adag tahay.

 

Dadka degmada Cadaado ku soo barakacay waxay qabaan baahi deg deg ah iyo baahi mustaqbalka ah, marka ugu horaysa waxay si deg deg ah ugu baahan yihiin in ay helaan hooy ama guri, ka dibna waxay u baahan yihiin biyo nadiif ah, cunto, daawo iyo isbitaal

 

Arrimaha ku xiga ee ay doonayaan waxaa ugu horeeya shaqo, waxaa ku xiga waxbarasho, waxay kaloo doonayaa  soo celinta adeegyadii guud ee nolosha kaabayey.

 

Caqabadaha ay la kulmeen dadkani waxaa ka mid ah cimiladii oo ay la qabsan waayeen, wel wel ku aadan waxa ay ku dambeyn doonaan iyo kala maqnaanta qoysaska dhexdooda ah.

 

Sida aad ku arki doonto sawirada baabuurta keenta dadkan waxay jidka ku soo maraan cabsi iyo in la soo dhaco, waxaa weliba ka sii daran gabdhaha oo la kufsado, sida dhacday 7/5/2007 oo gaari xamuul ah lagu baartay deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud sidoo kalana gabdhihii saarnaana la fara xumeeyey.

 

Cabdi Daahir oo ka mid ah soo barakacayaasha ayaa cod dheer magaalada Cadaado dhexdeeda ku yiri “daaqadeen adduunka ka galnaa si aan tabaruc u waydiisano, markaas wuxuu waday xoogaa yar oo raashin ah oo aan ku filneyn reerkiisa, wuxuuna ka fakarayaa waxa ku xigi doona oo uu carruurta siindo ka dib dhamaadka raashinka yarka ah.

 

“Hadaanan shaqo helayn waxaa ii dhaanta sedan Muqdisho” ayuu yiri Jaamac Maxamed oo ka mid ah dhalinyarada dadka ka soo barakacay Xamar, marka uu Sidaas lahaa maalin cad shantii barqanimo ayuu sariir jiifay isagoo muujinaya in aan meherad la’aan la joogi Karin ayuu ku celceliyey sidani nolol maahan, Jaamac waa 20 jir aabihiis maxamed wuxuu ku dhintay dagaaladii kululaa ee April iyo May ka dhacay Muqdisho.

 

Maadaama uusan Gobolkani soo jiidan karin warbaahinta Gudaha iyo Dibada waxaa iska gaabis ah gurmadyada dadkani helaan oo inta badan hay’aduhu warba u ma hayaan baahiyaha jira, hay’adda ICRC ayaa ah mida ugu dhaq dhaqaaqa badan Gobolkan waxay bixidaa cunto,daawo,maacuun,bustayaaliyo  iyo weliba bacaha roobka laga okorto.

 

Hay’adda Soojeed waxay xarunteeda Cadaado ka furtay diiwaan ay ka muuqdaan dadka soo barakacay, arintaan oo ujeedadeedu  tahay in sifiican loogu ogaado tirda iyo nolosha dadka soo barakacay.

 

Hay’adda Gargaarka iyo Horumarinta SOOJEED (Soojeed Relief And Development Organization) waa Wadani madax-banaan, isla markaana, waxay ka howl gashaa Gobollada Dhexe ee Soomaaliya, waana Hay’ad ka qeyb qaadata Horumarinta iyo u gargaarida Dadka tabaaleysan ee ku sugan meelaha ay ka howl gasho.

 

Waxaa Warbixintan na soo gaarsiiyay

Guddoomiyaha Hay’adda Soojeed

Cilmi Nuure Weheliye

Email: soojeed_org@yahoo.com ama cilmi_nuure@hotmail.com

Tel:00252-1-5515815

Tel:00252-1-5564676

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).