11.8 C
London
Saturday, November 8, 2025

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil Ameerikaan ah

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, August 15, 2007 (HOL): Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta wuxuu ka dhoofay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

 

Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha oo ay xubno ka ahaayeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Xuseen Ceelaabe Faahiye, Gaashaandhigga C/risaaq Isaaq Biixi iyo Caafimaadka Qamar Aadan Cali ayaa la sheegay in uu ku sii jeedo magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

 

Warar aynu ka helnay dad ku dhow xafiiska Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxay sheegayaan in Madaxweynaha uu kulan la leeyahay Saraakiil ka tirsan Safaaradda Mareykanka ee Nairobi iyo weliba Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, kuwaasi oo soo gaaraya Magaalada Nairobi.

 

Lama sheegin waxyaabaha ay salka ku hayaan wada hadallada ay yeelanayaan Saraakiisha Mareykanka iyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, walow kulanka labada dhinac uu ku soo beegmayo iyadoo dhawaan Hay’adda Human Rights Watch ay ku eedeysay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee ay kaashanayaan in ay dembiyo dagaal galeen intii ay socdeen dagaalladii Muqdisho ka dhacay Bilihii Maarso iyo April ee Sanadkan, walow uu Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi uu eedeyntaas waxba kama jiraan ku tilmaamay.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Socdaalka uu madaxweyne Yuusuf ugu amba baxay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa la sheegay in uu qaadanayo muddo seddex cisho ah, iyadoo kadibna uu madaxweynaha dib ugu soo laaban doono Magaalada Muqdisho.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).