Arbaco,
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Daba-geed) ayaa sheegay in sababta ay u mamnuuceen in Shineemooyinka maalinta cad la shido ay la xiriirto iyadoo Shineemooyinka ay caqabad ku noqdeen Ardaydii aadi jirtay Dugsiyada Waxbarashada, kuwaasi oo marka Dugsiyada loo diro ku leexda Shineemooyinka.
“Labo dhibaato ayay Shineemooyinka maalinta cad la shido ku hayaan Caruurta iyo dhalinyarada, waxayna dhibaatooyinkaas kala yihiin dhaqan xumo ay ka bartaan Shineemooyinka iyo in ay ka sag-saagaan waxbarashadooda, sidaas darteedna waxaan garanay in Shineemooyinka daawashadooda la joojiyo maalinta cad”ayuu yiri Yuusuf Daba-geed oo sheegay in qofkii u hoggaansami waaya amarka ay soo saareen la ganaaxayo Hal Milyan Sh. So ah iyo 30 maalmood oo xarig ah.
Xiligii ay magaalada Beledweyne ka talinayeen Maxkamadihii Islaamka ayaa waxaa gebi ahaanba la mamnuucay in Shineemooyinka maalin iyo habeenba la shido, hayeeshee waxay dadka Shineemooyinka iska leh ay howlahoodii dib u bilaabeen kadib markii Maxkamadihii Islaamka laga awood roonaaday.
Sidoo kalena, Maamulka Gobolka Banaadir waxaa uu mamnuucay in Xoolaha lagu qalo gudaha Xaafadaha Magaalada Beledweyne, iyadoo dadka ka ganacsada Hilibka Xoolahana loo sheegay in ay Xoolaha ku qalaan Kawaanka Xoolaha.
Sababta uu go’aankaas u qaatay ayuu Maamulka Gobolka Hiiraan ku sheegay in ay la xiriirto iyadoo xoolaha lagu qalayo gudaha Xaafadaha Magaalada Beledweyne ay keeni karaan caafimaad darro, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in uu maamulka soo saaro amarka ka dhan ah Dadka Xoolaha ku qala gudaha Xaafadaha Magaalada Beledweyne, sidoo kalena ciddii amarkan u hoggaansami weysa waxaa uu sheegay maamulka Gobolka in la ganaaxayo Hal Milyan oo Shillin Soomaali ah iyo 30 maalmood oo xarig ah.
Ugu dambeyntiina, Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa markii uu dhawaan la wareegay xilka Guddoomiyenimada Gobolkaas waxaa uu la soo baxay howl-karnimo, wuxuuna wax badan ka bedelay qaabkii uu u shaqeyn jiray maamulkii isaga ka horeeyay tusaale ahaan wuxuu joojiyay canshuurihii dadka laga qaadi jiray, isagoo sheegay in aan dadka canshuur laga qaadeynin iyadoo aan ammaankooda la sugin, sidoo kalena wuxuu maamulkiisa ku dhaqaaqay howlo lagu soo saarayo bilicda Magaalada Beledweyne oo kadib markii ay ku soo bateen ganacsatda weratada ah ku sigatay in ay noqoto mid isku raran ah oo aan lahayn waddooyin waa weyn oo la isaga kala goosho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






