11.8 C
London
Saturday, November 8, 2025

Qarax ay Dad badan ku dhaawacmeen oo ka dhacay Degmada Afgooye

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, August 15, 2007 (HOL): Qarax ay dad badan ku dhaawacmeen ayaa maanta wuxuu ka dhacay Demada Afgooye, gaar ahaan suuqa lagu iibiyo Ariga, iyadoo qaraxaasina uu ka dhashay Bambo nooca gacanta laga tuuro ah oo ay Suuqaas ku tuureen kooxo aan la garaneynin heybtooda.

 

Dad gaaraya 12 ruux oo isugu jiray Dad xoolo kala iibsanayay  iyo Dad Suuqaas u dhawaa ayaa ku dhaawacmay qaraxaas, waxaana dadkii dhaawaca ahaa qaarkood la dhigay Isbitaalka Degmada Afgooye, halka kuwii kalena loo qaaday Isbitaallada Muqdisho.

 

Qaraxaas kadib ayaa waxaa goobta tegay Ciidamada Booliska Degmada Afgooye, kuwaasi oo bilaabay in ay dadka su’aalo weydiiyaan, isla markaana ay baaris ku sameeyaan nawaaxiga halka uu qaraxa ka dhacay.

 

Degmada Afgooye ayaa dhowr jeer oo hore waxaa uga dhacay qaraxyo qaarkood lala beegsaday mas’uuliyiinta maamulka Degmada, iyadoo Guddoomiye ku xigeenkii maamulka Degmada Afgooye alle ha u naxariistee Xasan Axmed Xasan lagu dilay qarax Miino.

 

Sidoo kalena dhawaan ayay ahayd markii gaari uu leeyahay Guddoomiyaha maamulka Degmada Afgooye Maxamed Cumar Muudeey lagu qarxiyay Miino wadada hareeraheeda loo geliyay, waxaana halkaas ku dhaawacmay Darawalkiisii iyo Ilaaladiisii, halka uu xiligaas Guddoomiyaha ku sugnaa Xafiiskiisa oo uusan gaariga la socon.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).