Arbaco,
Ra’iisal Wasaare Geeddi waxaa uu sheegay in deegaankaas uu noqonayo mid ay ku nabadgalaan Saraakiisha iyo shaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo weliba Dadka Ajnabiga ah ee booqashada ku taga magaalada Muqdisho.
“Hay’adaha Nabadgelyada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan waxay gacanta ku hayaan in ay sameeyaan Deegaan Nabdoon, halkaasi oo ay ay si nabadgelyo ah ugu howlgeli karaan Shaqaalaha Beesha Caalamka iyo weliba kuwa aan difaaca heysan”:ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Geeddi oo ka gaabsaday in uu carrabka ku dhufto xiliga la sameynayo Deegaankaas la midka ah midka ka jira dalka Ciraaq ee ay inta badan degan yihiin Madaxda iyo Shaqaalaha Dowladda Ciraaq iyo weliba Ajaaniibta la shaqeysa.
Dhanka kalena, Ra’iisal Wasaare Geeddi waxaa uu si kulul uga jawaabay eedeyntii ay Human Rights Watch u jeedisay Dowladdiisa iyo Ciidamada ay kaashaneyso ee Itoobiya, wuxuuna sheegay in warbixintaas ay tahay mid Dowladdiisa ku xadgudbeysa, isla markaana la jirta kooxaha xag-jirka ah, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Ra’iisal Wasaare Geeddi waxaa uu sheegay in Ciidamada Dowladdiisa iyo kuwa gacanta siinaya ee Itoobiya aysan gelin wax dembiyo dagaal ah, hayeeshee waxaa uu caddeeyay in ay jiri karaan qaladaad yar yar oo ay Ciidamada geli karaan, “taasina waa mid adduunka oo dhan ka dhacda, gaar ahaan meelaha ay dagaallada ka dhacaan”ayuuna yiri Ra’iisal Wasaare Geeddi.
Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka waxaa uu ku eedeeyay in Human Rights Watch ay ka soo horjeedo Dowladdiisa, isla markaana ay qariso tallaabooyinka wanaagsan ee ay qaaday, sida shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee ay qaabeysay, maamullada ay gobollada dalka u dhistay iyo weliba kaalmooyinka ay siisay dadka qaxootiga ah.
“Human Rights Watch iyo kooxo daneystayaal ah waxay doonayaan in ay Soomaaliya noqoto meel aan nabad ahayn oo ay gabaad ka dhigtaan kooxaha Argagixisada ah”ayuu mar kale yiri Ra’iisal Wasaare Geeddi.
Ra’iisal Wasaare Geeddi waxaa uu intaas ku daray in Human Rights Watch ayaa ku eedeeyay in ay inkireyso dembiyo ay Maxkamadihii Islaamka galeen mudadii ay ka talinayeen Magaalada Muqdisho, “Demniyada ay galeen waxaa ka mid ah dilal, bara-kicin, burburin hanti, xaqiraad ay ku sameeyeen xuquuqda haweenka, caruur ay ciidameeyeen iyo weliba xayiraad ay ku soo rogeen shineemooyinka iyo daawashada isboortiga”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Geeddi.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






