HUMAN RIGHTS WATCH “Qaramada Midoobay waa in ay wax ka qabataa ilaalinta Dadka Rayidka ah”
(
Warbixintan oo ka kooban 113 bog, ciwaankeeduna yahay “Argagax-Xabbadeed: Rayidka oo ku Go’doonsan Muqdisho”, waa tii ugu horraysay oo si madaxbannaan baaritaan goobta ay wax ka dhaceen ah ku samaysay dagaalladii burburiyey Muqdisho bilihii Maarso iyo Abriil ee sannadka 2007, kuwaasi oo keenay dhimashada boqollaal dad ah iyo barakaca 400,000 oo qof.
“Dhinacyadii dagaallamayey waxay dhammaantood tixgelin la’aan dembiilenimo ah ka muujiyeen in la badbaadiyo dadka rayidka ah ee Muqdisho” ayuu yiri Ken Roth oo ah Madaxa hay’adda Human Rights Watch. “In Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay aanu wax dareen ah ka muujin mashaakilkan waxay sii biirisay masiibada dhacday.”
Human Rights Watch waxaa ay diiwaangelisay tiro badan oo denbiyo dagaal ah oo ay ka mid ahaayeen xadgudubyo lagu sameeyey xeerarka dagaalka ayna geysteen dhammaan dhinacyadii isaga hor yimid dagaalkii hubaysnaa ee Muqdisho
Xadgudubyada ay sameeyeen kooxaha mucaaradka ah ee Soomaalida waxaa ka mid ah: In si aan kala sooc lahayn hoobiyaal ugu tuureen goobaha ay dadka rayidka ahi deggan yihiin; in ay ciidamadooda dhigeen degaannada ay dadku sida aadka ah u deggan yihiin; dilal qorsheysan oo lala beegsaday saraakiisha rayidka ah ee dawlada ku meelgaraka ah iyo dil iyo xurmo-darro loo gaystay maydadka xubnaha dagaalka ku jiray oo ay qabteen.
Ciidamada Itoobiyaanka ah ee taageeraya dawladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya waxaa ay gaysteen xadgudubyo ka dhan ah xeerarka dagaalka kadib markii ay si baahsan oo aan loo meel dayin ugu garaaceen madaafiic, hoobiyayaal iyo gantaallo kale goobaha ay dadka rayidka ahi aad u deggan yihiin ee magaalda Muqdisho. Ciidamada Itoobiya waxaa ay dhowr jeer bartilmaameedsadeen cusbitaallada, iyagoo cusbitaalladaas ka bililiqaystay qalab caafimaad oo si aad ah loogu baahi qabay. Human Rights Watch
waxaa ay diiwaangelisay kiisas muujinaya in ciidamada Itoobiyaanka ahi ay si ula kac ah u toogteen una dileen dad rayid ah.
Ciidamda dawladda ku meelgaarka ahi waxay door kaalmaati ah u ahaayeen kuwa Milateriga Itoobiya, laakiin waxaa ay ku guuldarreysteen inay digniino wax ku ool ah siiyaan dadka rayidka ah ee ku nool goobaha ay dagaalladu ka socdaan, waxaa ay bililaqaysteen hanti, waxaa ay xayiraad saareen dadaalladii samafalka lagu gaarsiinayey dadka barakacay, waxaana ay si xun ula dhaqmeen tobannaan dad ah oo ka mid ahaa dad fara badan oo la soo xir-xirey.
“Kooxaha mucaaradku waxa ay
Soosaarista warbixintani waxaa ay ku soo beegantay iyadoo maanta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu dood ka yeelanayo arrimaha Soomaaliya. Golaha Ammaanka ayaa la filayaa inay ka doodaan hawlgalka ciidamda Afrikaanka ah ee gaaraya 1,500 ee ka hawlgalaya Soomaaliya iyo soo jeedin ku aadan in hawlgalkaas laga dhigo mid hoos tegaya Qaramada Midoobay.
Dagaallada ka dhacay Muqdisho ayaa si tar-tiib tartiib ah u sii xumaanayey tan iyo markii dawladda Dawladda Federaalka Ku meelgaarka ah oo ay taageerto Itoobiya ay soo degtey Muqdisho bishii Janaayo ee sannadka 2007. Bishii Diisembar 2006 Ciidamada Itoobiya oo kaalmo ka helaya dalka Mareykanka ayaa dagaal si xawli ah ku socda kaga saarey magaalada Muqdisho iyo degaanno kale oo ka tirsan Koonfurta ilaa Bartamaha Soomaaliya isbahaysigii Maxkamadaha Islaamiga ah.
Laga soo billaabo bishii Jannaayo ee sanadka 2007, isbahaysiga kooxaha mucaaradka ah oo ay ku jiraan maaleeshiyada Al-Shabaab ee Maxkamadaha Islaamiga ah waxaa ay weerarro maalin kasta ah ku qaadayeen ciidamada Itoobiyaanka ah iyo kuwa dawladda federaalka ku meelgaarka ah, waxaana ku jirey dhowr weerar oo is miidaamin ah, waxayna dileen saraakiil rayid ah oo ka tirsan dawladda federaalka ku meelgaarka ah. Kooxaha mucaaradku waxay si ku celcelis ah hoobiyaal uga soo tuurayeen xaafadaha ay dadku aadka u degan yihiin ee magaalada Muqdisho, si khatar ku ah ammaanka dadka rayidka ah, taasina waxay xadgdub ku tahay xeerarka dagaalka.
Bishii Maarso 29-keedii Ciidamada Itoobiya waxay qaadeen weerarkii 1-aad ee laba dagaal oo waaweynaa oo ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay kaga horjeedeen kooxaha mucaaradka wada. Ciidamada Itoobiya waxaa ay si aan kala sooc lahayn ugu garaaceen sawaariiqda loo yaqaan ‘Katyusha’, gantaallo iyo hoobiyayaal aan loo meel dayin degaannadii ay ku xoogganaayeen kooxaha mucaaradka, iyagoon isku dayin inay kala soocaan degaanada dadka rayidka ahi deggan yihiin iyo bartilmaameedyada kooxaha mucaaradka.
Weerarka labaad oo socday Abriil 18-keedii illaa 26-keedii ciidamada Itoobiyaanku waxay ku bartilmaameedsadeen kuna burburiyeen degaanno kale oo magaalaada ah waxaana weerarkaasi uu boqollaal kale oo dad rayid ah ku kordhiyey tiradii guud ee dhimashada. Iyadoo tirada saxda ah ee dhimashada aan weli la aqoonin hadana waxaa la qiyaasayaa tiro u dhexeysa 400 illaa in ka badan 1,300 oo qof inay ku dhinteen labada wareeg ee dagaallada.
Faragelinta Itoobiya ee Soomaaliya waxay la xiriirtaa walaac xagga nabad gelyada ah oo ka jira gobolka oo ay ka mid tahay dagaal aan toos ahayn oo kala dhexeeya Ereteriya iyo joogitaanka Soomaaliya ee laba kooxood oo mucaarad ku ah Itoobiya.
Bishii Jannaayo ee sannadka 2007, dalka Mareykanku waxaa uu dhowr weerar oo xagga cirka ah ku qaaday bartilmaameedyo ku yaalla koonfurta Soomaaliya, mar labaadna bishii Juun degaanno ku yaalla Puntland ee Waqooyi-bari Soomaaliya. Weerarradaasi waxa ay ahaayeen faragelintii ugu horreysey ee Mareykanku ku sameeyo dalka tan iyo markii ay ciidamadiisu ka baxeen sanadkii 1994-kii. Mareykanka ayaa ku eedeynaya in qaybo ka tirsan Maxaakiimta Islaamigu ay gabbaadsiinayaan shaqsiyaad xirriir la leh shabakadaha argagixisada caalamiga ah, kuwaasi oo ay ka mid yihiin dad lala xiriirinayo inay ku lug lahaayeen qaraxyadii safaaradaha Mareykanka ee
“Tan iyo bishii Abriil markii uu dhamaadey dagaalkii weynaa ciidamada Itoobiya iyo kuwa dawladda Soomaaliya waxay dariiqayada Muqdishu si joogto ugu xadgudbayeen xuquuqda dadka rayidka ah,” ayuu yiri Roth. “In si waxtar leh looga hortago argagixisada waxa kaliya oo ay ka amba-qaadi kartaa xurmeynta xuquuqda aasaasiga ah iyo dhammeynta ka xisaabtan la’aanta dambiyada culus ee dagaalka.”
Human Rights Watch waxa ay ugu baaqeysaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo qaybaha muhiimka ah ee beesha caalamka inay doorkooda saamaynta ah ee ay ku leeyihiin dawladaha Itoobiya iyo Soomaaliya ay u adeegsadaan soo afjarida xadgudubyada iyo dhiirigelinta xurmaynta xeerarka caalamka.
Dalalka arrimahan danaynaya waa inay codsadaan isla markaana taageeraan sii kordhinta hawlgal Qaramada Midoobay ah oo kormeeraya kana warbixiya xaaladda xuquuqda aadanaha ee Somaaliya.
Halkan ka dhegeyso
Warbixinta oo Af-Ingiriis ah
Halkan ka fiirso
Qoraalka oo PDF ah
Xigasho: Human Rights Watch






