Isniin, August 13, 2007(HOL): Wiil uu dhalay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geeddi ayaa Aroos weyn loogu dhigay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo xafladda Arooskaasna ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo kuwo ka socday Hay’adaha Samafalka iyo Wakiillada Beesha Caalamka ee Nairobi.
Xafladda Arooska Maxamed Cali Maxamed Geeddi iyo Faa’iso Cabdi Axmed Salaad ayaa waxay ka dhacday Hotellada waa weyn ee magaalada Nairobi, gaar ahaana Hotellada Grand Regency iyo Safari Park oo magaalada Nairobi looga yaqaano Hotellada 5 star-ka ah.
Dad ku dhow dhow qaban qaabiyayaasha Arooska Wiilka Curadka ah ee Ra’iisal Wasaare Geeddi ayaa waxay sheegeen in xafladda Arooskiisa ay ka qeybgaleen Ra’iisal Wasaare Geeddi, Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Maxamed Cali Ameerika, marwada Madaxweyne Yuusuf Xaawo Cabdi Samatar, Marwada Ra’iisal Wasaare Geedi iyo xubno kale oo ka tirsan labada gole ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kalena waxaa xafladdaas ka qeybgalay kooxo Fannaaniin ah oo dalka dibaddiisa iyo gudahiisa laga keenay, kuwaasi oo bilay xafladdaas Arooska ah oo la sheegay in uu ku baxay dhaqaale faro badan. Fannaaniinta Xafladdaas ka heesaha ka qaaday ayaa qaarkood la sheegay in diyaarado looga qaaday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






