13.3 C
London
Sunday, November 9, 2025

Mareykanka iyo Qaramada Midoobay oo ku baaqay in la dhowro Xoriyadda Hadalka iyo Madax banaanida Saxaafadda

- Advertisement -spot_imgspot_img


Isniin, August 13, 2007(HOL): Mas’uuliyiin u hadlay Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa Dowladda Federaalka Soomaliya waxay u direen baaq ku aadan in ay baaritaan ku sameyso ciddii ka dambeysay dilkii Sabtidii dhaweyd Muqdisho loogu geystay Milkilihii Idaacada Horn Afrik Cali Iimaan Sharma-arke iyo Agaasimihii Idaacadda Capital Voice Mahad Axmed Cilmi.

 

John Yates oo ah Safiirka Dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya ayaa cambaareeyay dilka mas’uuliyiintaas Warbaahineed loo geystay, isagoo sheegay in uu aad uga xun yahay in la dilo dad howl muhiim ah shacabka u hayay.

 

Ambassador John Yates waxaa uu sheegay in ay arrinta dilka mas’uuliyiintaas ay ka wada hadleen Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi, kaasi oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, wuxuuna sheegay in uu Ra’iisal Wasaaraha ka ballanqaaday in la damaanad qaadayo xoriyadda Saxaafadda iyo dhowrista xuquuqda Suxufiyiinta.

 

Sidoo kalena Eric Laroche oo Qaramada Midoobay u qaabilsan Isu-duwidda Kaalmooyinka Bani’aadannimo ee Soomaaliya ayaa isna ka hadlay dilkii loo geystay Cali Iimaan Sharma-arke iyo Mahad Axmed Cilmi, wuxuuna sheegay in ay falkaas cambaareynayan oo markaasina ay si weyn uga soo horjeedaan in la dilo Suxufiyiinta.

 

Eric Laroche ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo kooxaha kale in ay xurmeeyaan xuriyatul Qowlka, isla markaana ay ka fogaadaan in ay farageliyaan Saxaafadda madaxa bannaan, wuxuuna si gaar ah Dowladda Federaalka ugu baaqay in ay baarto dadkii ka dambeeyay dilkii loo geystay labadaas mas’uul.

 

Mahad Axmed Cilmi ayaa la dilay Sabtidii aynu ka soo gudubnay, iyadoo saacado kadibna la dilay Cali Iimaan Sharma-arke oo ka soo laabtay Duugtii Mahad, iyadoo dilkiisana loo adeegsaday Qarax Miino. Dilka labadaas saxafi ayaa waxaa si weyn uga naxay Dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudahiisa iyo dibaddiisa, si gaar ahna waxaa uga naxay Ehelladii ay ka geeriyoodeen iyo  weliba saaxibadoodii Saxaafadda.

Halkan ka dhegeyso Hadalkii ugu dambeeyay ee uu Cali Iimaan ka jeediyay Duugtii Mahad Axmed Cilmi

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).