Isniin,
Weerarkii xalay oo dhacay abaara 12:30-kii habeennimo ayaa waxaa ku dhaawacmay labo askari oo ka tirsanaa ciidamadii Saldhigga joogay, kuwaasi oo dhaawacmay kadib markii ay ku firiray Rasaas Baasuuke oo derbi loogu dhuftay.
Saldhigga Degmada Howl-Wadaag ayaa muddo todobaad gudahiis ah waxaa loo geystay weeraro dhowr ah, kuwaasi oo inta badan dhacayay marka la gaaro saqda dhexe ee habeenkii. Weeraradaas ayaa waxay yihiin kuwo si weyn u qalqal geliyeen dadka degan nawaaxiga Saldhigaas, kuwaasi oo qaarkood horay guryahooda uga barakaceen.
Dhanka kalena, Saldhigga Degmada Huriwaa ayaa isna habeenkii xalay ahaa weerar lagu qaaday, waxaana lagu soo waramayaa in ay weerarkaas ku dhaawacmeen seddex ruux oo rayid ahaa, kuwaasi oo ay haleeshay rasaastii ay isku ridayeen ciidamo Saldhiggaas ku sugnaa iyo kooxihii weeraray.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






