13.3 C
London
Sunday, November 9, 2025

Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in labo nin loo soo qabtay Dilkii Mahad Axmed Cilmi

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, August 12, 2007(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in la soo qabtay labo nin oo la tuhunsan yahay in ay ka dambeeyaan dilkii shalay Muqdisho loogu geystay Mahad Axmed Cilmi oo ahaa Agaasimihii Idaacadda Capital Voice.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa sheegay in labadaas nin laga soo qabtay Demada Yaaqshiid, isal markaana xabsiga loo taxaabay, isagoo caddeeyay in baaris lagu sameynayo.

 

Alle ha u naxariistee Mahad Axmed Cilmi ayaa labo nin oo Bastoolado ku hubeysnaa waxaa ay ku dileen meel 200 oo mitir u jirta Xarunta Idaacadda Horn Afrik, xili uu u soo baxay howl maalmeedkiisa.

 

Dhanka kalena Meydka Alle ha u naxariistee Cali Iimaan Sharma-arke ayaa maanta lagu aasay Qabuuraha Macallin Nuur ee Km13, iyadoo ay aaskiisa ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, saxafiyiin iyo ehellada marxuumka.

 

Aaska Meydka Marxuumka ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Garsoorka Xasan Dhimbil Warsame, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo Xildhibaano ay ka mid ahaayeen Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Yuusuf Mire Seeraar, sidoo kalena waxaa ka qeybgalay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir G/sare Cali Saciid Shiikh Xasan iyo ku xigeenkiisa G/sare C/llaahi Xasan Bariise iyo weliba Saxafiyiin iyo Dadweyne aad u faro badan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).