Axad,
Qoraallo si kala gooni uga soo baxay Ururada Saxaafada iyo kuwa Xuquuqda Aadanaha ayaa si wadda jir ah u tilmaamay in dilalkaasi muujinayaan Marxalada adag ee inta badan xiligan ay ku shaqeynayaan bahada Saxaafada ka howl-gasha gudaha dalka Soomaaliya, iyaga oo dhinaca kalana ku tilmaamay dilka loo geystay Labada Mas’uul mid arxan daro ah oo aan ku dhisneyn wax sharci ah.
Ururka HIJONET oo ah urur ay ku mideysan yihiin dhamaan bahada Saxaafadda Gobalka Hiiraan ayaa qoraal dhinacooda ka soo baxaya waxaa ku sheegeen in looga fadhiyo Dowlada Federaalku baaritaan adag oo ay ku sameyso sida ay u dhaceen weeraridii lagu kala qaaday Mahad Axmed Cilmi iyo waliba Cali Imaan Sharmaarke, madaama sida qoraalka ku xusan dowladu hada iyadu gacanta ku heyso Caasimada Muqdisho.
dhinaca kale war Qoraal ah oo ka soo baxay Midowga dhaqaaqa Bulshada Rayidka ah ee ka dhisan gobalka Hiiraan ayaa lagu sheegay in dalkaasi yahay mid la doonayo in lagu caburiyo howlaha saxaafada Xorta ah, gaar ahaan Idaacada Horn Afric oo ka mid ah Idaacadaha ugu tabinta dheer warbaahinta gudaha,
Sidoo kale qoraalka waxaa uu intaa ku darayaa in dilalkii ugu dambeeyay ee dhacay ay yihiin kuwo lagu cabsi galinayo bahada saxaafadda si markaas aan loo soo bandhigin dhacdooyinka rasmiga ah ee ka jira dalka iyo xad gudubyada lagu haya dadka shacabka ah ee ku dhaxnool siyaasadaha is garbinaya ee ka jira gudaha dalka.
Mahad Axmed Cilmi oo Maalintii shalay la dilay isagoo ku sii jeeday goobtiisa shaqo ayaa ahaa mas’uul si weyn codkiisa looga yaqiinay Magaalada B/weyn, gaar ahaan waxaa ay dadku ku xasuustaan Barnaamijkiisii Muqdisho iyo Maanta amaba dadka qaar u yaqanaan HOODI HOODI oo ahaa barnaamij xiiso badan xanbaarsanaa islamarkaana sahli jiray in dadku si fudud u kala warqaado, Alle ha u naxriisto Cali Iimaan Sharma-arke iyo Walib Mahad Axmed Cilmi.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online






