Axad, August 12, 2007(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maxkamadihii Islaamka ayaa ka hadlay dilkii shalay Muqdisho loogu geystay Cali Iimaan Sharma-arke oo ka mid ahaa Milkilayaasha Idaacadda iyo TV-ga Horn Afrik iyo Agaasimihii Idaacadda Capital Voice, ahaana wariye ka shaqeynayay Idaacaddaas Mahad Axmed Cilmi.
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay in dilka mas’uuliyiintaas Warbaahineed ay ka dambeeyeen sida uu u yiri kooxo Dowlad iyo Nabad-diid ah, “falalkaas waxaa ku tuhmeynaa in ay ka dambeeyaan xoogagga nabad-diidka ah ee mucaaradnimada sheegta, kuwaasi oo xiriir la leh argagixisada”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Geeddi oo sheegay in la yaqaano halka ay salka ku hayaan wax qarxin iyo wax dilid.
Sidoo kalena waxaa ka hadlay dilka mas’uuliyiintaas warbaahineed loo geystay Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadihii Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed, kaasi oo isna sheegtay in dilka marxuumiintaas ay ka dambeeyeen Ciidamada Itoobiya iyo sida uu u yiri Daba-dhilifka u adeega.
Shiikh Shariif oo tacsi u diray qoysaskii ay ka geeriyoodeen marxuumiintaas ayaa waxaa uu sheegay in ujeedada ugu weyn ee loo dilay marxuumiintaas ay tahay in aan la sheegin xadgudubyada ay Ciidamada Itoobiya iyo kuwa daba-dhilifka u ah ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, waa sida uu Shiikh Shariif hadalka u dhigaye, “Waxaad la socotiin inta jeer ee la xiray Idaacadda Horn Afrik iyo Idaacado kale oo Muqdisho ku yaala, hadana waxay bilaabeen in ay dilaan madaxdooda”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee marka magaciisa la soo gaabiyo la yiraahdo SOLJA ayaa isna wuxuu cambaareeyay dilkii loo geystay Mahad Axmed Cilmi iyo Cali Iimaan Sharma-arke, wuxuuna Guddoomiyaha Ururkaas Mustafe Cabdi Ciise uu sheegay in ay aad uga xun yihiin dilalka marxuumiintaas loo geystay, isagoo caddeeyay in dilalka haatan ka dhacaya Magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo aan dhicin xiligii ay talinayeen Hoggaamiye Kooxeedyada, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Mustafa Cabdi Ciise waxaa uu sheegay in saxafiyiinta Soomaaliyeed ay yihiin kuwo si tabarucaad ah ugu shaqeeya dadkooda, sidaasi darteedna ay mudan yihiin in la dhowro, isla markaana loo ogaado in ay yihiin dad xirfad gacanta ku haya oo Umaddooda u adeegaya.
Ugu dambeyntiina, Wariyayaasha ka howlgala Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya oo weliba ku shaqeeya marxalad adag ayaa waxay falalka lagula kacayo ee bani’aadannimada ka baxsan waxaa cambaareeyay Hay;adaha u dooda Xuquuqada Aadanaha, Bulshada Rayidka iyo weliba Shacabka Soomaaliyeed oo ay u shaqeeyaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






