13.3 C
London
Sunday, November 9, 2025

Inta badan Idaacadaha Muqdisho iyo Ururrada Bulshada Rayidka oo shaqo joojin ku dhaqaaqay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, August 12, 2007(HOL): Ilaa 10 Idaacadood oo FM ah oo ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa hawada ka maqan tan iyo wixii ka dambeeyay shalay gelinkii dambe, iyadoo sababta ay hawada uga maqan yihiin-na ay tahay dilal shalay loo geystay Cali Iimaan Sharma-arke oo ka mid ahaa Milkilayaasha Idaacadaha iyo TV-ga Horn Afrik iyo Mahad Axmed Cilmi oo isna ahaa Agaasimihii Idaacadda Capital Voice oo mataan la ah Idaacadda Horn Afrik.

 

Shalay gelinkii dambe ilaa maanta ma jiraan wax Idaacado ah oo shaqeynaya, marka laga reebo Idaacadda Radio Muqdisho oo ku hadasha Codka Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi oo qudheeda ka qeybqaadaneysa baroor-diiqa loo sameynayo marxuumiintaas.

 

Sidoo kale waxaa shaqo joojin ku dhawaaqay oo maanta ay xafiisyadooda xiran yihiin Ururrada Bulshada, kuwaasi oo si weyn uga xumaaday dilka loo geystay Cali Iimaan Sharma-arke iyo Mahad Axmed Cilmi oo labaduba ahaa kuwo howl muhiim ah u hayay shacabka Soomaaliyeed.

 

Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha dalka iyo dibadiisa ayaa sidoo kale si weyn uga naxay dilka loo geystay marxuumiintaas, waxayna Allaah uga baryeen in uu naxariistii Janno ka waraabiyo, qoyskii ay ka baxeena uu samir iyo iimaan ka siiyo.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Wariyayaasha ka howlgala Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya oo weliba ku shaqeeya marxalad adag ayaa falalka lagula kacayo ee bani’aadannimada ka baxsan waxaa cambaareeyay Hay;adaha u dooda Xuquuqada Aadanaha, Bulshada Rayidka iyo weliba Shacabka Soomaaliyeed oo ay u shaqeeyaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).