Sabti,
Marka ay miinada ku qarxeysay gaariga uu saarnaa Cali Iimaan Sharma-arke ayaa wuxuu ka soo laabtay aaska Agaasimihii Idaacadda Capital Voice Mahad Axmed Cilmi oo saakay kooxo hubeysan ay ku dileen iridka Idaacadaha Horn Afrik iyo Capital Voice oo hal meel ku wada yaala.
Wariye Saciid Tahliil Axmed oo ka mid ah Wariyayaasha Idaacadda Horn Afrik ayaa sheegay in xilli ay ka soo laabanayeen aaska agaasimihii Idaacadda Capital Voice Mahad Axmed Cilmi uu qarax qabsaday gaarigii uu saarnaa Cali Iimaan Sharma-arke oo dhinaca uu gaariga ka saarnaa uu qaraxa ka haleelay, sidaasna uu Alle ha u naxariistee ku geeriyooday Cali Iimaan Sharma-arke.
“Ma garan karno waxa uu ahaa qaraxaas, wuxuuse qaraxa ka haleelay gaariga uu saarnaa Cali Iimaan dhinacii uu gaariga ka saarnaa, sidaas ayuuna Cali Iimaan ku geeriyooday” ayuu yiri Saciid Tahliil Axmed.
Marka laga soo tago geerida naxdinta leh ee ku timid marxuum Cali Iimaan Sharma-arke ayaa waxaa jira Wariyayal la socday oo ku dhaawacmay Qaraxaas Miinada ahaa, waxaana wariyayaashaas ka mid ah Falastiin Axmed Xaaji oo ka tirsan Wariyayaasha Idaacadaha Horn Afrik iyo VOA iyo Sahal Cabdulle oo ka mid ah Wariyayaasha Wakaaladda Wararka Reuters.
Haddaba iyadoo Bahda Saxaafadda Soomaaliyeed ay la anfariirsanaayeen dilkii saakay loo geystay Wariye Mahad Axmed Cilmi ayaa hadana waxaa ugu sii darsantay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Alle ha u naxariistee Cali Iimaan Sharma-arke oo ka mid ahaa Milkilayaasha Idaacadda iyo TV-ga Horn Afrik.
Wariyayaasha ka howlgala Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya oo weliba ku shaqeeya marxalad adag ayaa falalka lagula kacayo ee bani’aadannimada ka baxsan waxaa cambaareeyay Hay;adaha u dooda Xuquuqada Aadanaha, Bulshada Rayidka iyo weliba Shacabka Soomaaliyeed oo ay u shaqeeyaan.
Bahda Hiiraan Online ayaa tacsi tiiraanyo leh u diraya Qoyskii, Eheladdii iyo Asxaabtii ay ka geeriyoodeen marxuumiinta kala ah Cali Iimaan Sharma-arke iyo Mahad Axmed Cilmi. INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






