13.3 C
London
Sunday, November 9, 2025

Hay’adda Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha oo cambaareysay Dilkii loo geystay Wariye Mahad Axmed Cilmi

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, August 11, 2007(HOL): Hay’adda Dr. Ismaaciil Jimcaale ee  Xuquuqaha Aadanaha ayaa si kulul  u cambaareysay dilkii loo geystay Marxuum Mahad Axmed Cilmi oo ahaa Agaasimihii Idaacadda Capital Voice, kaasi oo lagu dilay meel ku dhow xarunta uu ka howlgalo ee HornAfrik.

 

Madaxa Baarista Xadgudubyada Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Dr. Ismaaciil Jimcaale oo lagu magacaabo C/llaahi Calas Jimcaale ayaa sheegay in dilkaaas uu ahaa mid ay aad uga naxeen, ayna cambaareynayaan.

 

“Dilalka dadka aan waxba galabsan lagula kaco waxay naga qabteen wadnaha, mana filayn in saxafi howlihiisa caadiga ah ka wata Muqdisho in la dili doono, waayo taasi waxay billow u tahay ku xadgudubka xuquuqda shacabka oo ay saxafiyiintu ka shaqeeyaan” ayuu yiri C/llaahi Calas Jimcaale oo intaas ku daray:

 

“Waxaan ka murugaysannahay geerida naxdinta leh ee ku timid Wariye Mahad Axmed Cilmi, wuxuuna ahaa saxafi rayid ah oo aan hubeysnayn, innagoo garan waynay sababta keentay in la toogto”.

 

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Ismaaciil Jimcaale ayaa waxay sheegtay in dilka loo geystay wariye Mahad Axmed Cilmi uu yahay mid xadgudub ku ah Diinta Islaamka, Dhaqanka Soomaaliyeed ee soo jireenka ah iyo sidoo kale Xuquuqda Aadanaha, isagoo sheegay inaysan ahayn in qof aan waxba galabsan la iska dilo.

 

Marxuum Mahad Axmed Cilmi; ayaa lagu aasay goor dhaweyd Qabuuraha Barakaad ee duleedka Muqdisho, iyadoo aaskiisa ay ka qaybgaleen saxafiyiin fara badan oo ka tirsan kuwa ka howgala Muqdisho, waxaana saxafiyiinta ay si weyn uga murugeysnaayeen dilka loo geystay Wariye Mahad Axmed Cilmi.

 

Dhanka kalena, kooxo hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay dhaawaceen Wariye C/xakiin Cumar Jimcaale oo u shaqeeya Idaacadda Dowladda ee Magaalada Baydhabo, waxaana haatan dhaawaca wariyayahaas lagu daweynayaa Isbitaalka Keysaney ee magaalada Muqdisho.

 

Wariyayaasha ka howlgala Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya oo weliba ku shaqeeya marxalad adag ayaa waxay falalka lagula kacayo ee bani’aadannimada ka baxsan waxaa cambaareeyay Hay;adaha u dooda Xuquuqada Aadanaha, Bulshada Rayidka iyo weliba Shacabka Soomaaliyeed oo ay u shaqeeyaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).