Sabti,
Afarta Nin ee la dilay ayaa qaabka loo dilay waxaa ka soo baxaya warar kala duwan, waxayna wararka qaarkood sheegayaan in lagu dilay gudaha guri ay ku wada jireen, halka warar kalena ay sheegayaan in la dilay iyagoo gurigooda u sii socday.
Ragga la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Cabdi Afey, Maxamuud Sharraawe, C/llaahi Caadle iyo Caddow Cali Shiikh, waxayna dhamaantood ka tirsanaayeen maamul uu Gobolka Shabeelaha Dhexe u sameeyay Tuulada Ceel Baraf.
Lama oga sababta ka dambeysa dilka afartaas nin, inkastoo dadka qaarkiis ay la xiriirinayaan dilal indhawaalaba ka dhacayay Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo lagu ugaarsanayay mas’uuliyiinta ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la xusuusan yahay in Muqdisho lagu dilay guddoomiyayaashii Shan Degmo oo Gobolka Banaadir ka tirsan.
Dhanka kalena, habeenkii xalay ahaa ayaa kooxo hubeysan waxay weerar ku qaadeen fariisin ay Ciidamada Dowladda ka sameysteen Xaafadda SOS ee Degmada Huriwaa, iyadoo halkaasina laga maqlayay daryanka madaafiic ay labada dhinac is-weydaarsanayeen iyo weliba rasaas yar yar oo madaafiicdaas kadib dhaceysay.
Lama oga haddii uu jiro khasaare soo gaaray labadii dhinac ee dirirtu dhexmartay iyadoo sidoo kalena aan la ogeyn dhibaato soo gaartay dadka rayidka ah ee ku dhow halka iska hor-imaadku ka dhacay, waxaana taasi ugu wacan iyadoo xiligu habeen ahaa, isla markaana ay magaalada bandow ku jirto.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, magaalada Muqdisho ayaa habeennadan waxaa ka dhacaya iska hor-imaadyo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, waxayna weeraradani noqonayaan kuwo xiriir ah oo habeen kasta dhaca.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






