Sabti, August 11, 2007(HOL): Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa lagu soo dhameystiray dhismaha xubnaha Maamulka Gobalka Hiiraan, waxaana guddoomiyaha Degmada B/weyne loo magacaabay sida wareegtada ku xusan Cilmi Saney Qaasim oo lagu madalay gudoomiyihii hore Axmed Gobay Cawaale.
Sidoo kale waxaa wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha xilalkii ku waayay ku-xigeenadii maamulka Gobalka ee arimaha siyaasada iyo Bulshada Xuseen Cumar Xasan Gacamey iyo waliba Saleebaan Axmed Hilowle oo xilalkaa loo magacaabay waqtigii ay dowladdu fadhiday Magaalada Jowhar ee xarunta u ah Gobalka Shabeeladda Dhexe.
Magacaabistan cusub ee uu sameeyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa daba joogta sidoo kale wareegto dhawaan loogu magaacabay in uu noqdo guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Daba-geed) kadib markii xilkii Guddoomiyaha Gobolka laga qaaday Xuseen Muxumed Maalin (Ayax).
Dhinaca kale Magaalada B/weyne ee Xarunta u ah Gobalka Hiiraan ayaa Maalmihii aynu soo dhaafnay waxaa ay Ciidamada maamulku ka wadeen howlo lagu sugayo Nabad-galyada guud iyo waliba soo celinta bilic-samadii magaalada, iyadoo wareegto ka soo baxaday guddoomiyaha maamulka gobalka Hiiraan lagu mamnuucay gawaarida Miraayadaha madow leh, taasoo qeyb ka ah sida lagu sheegay sugidda Nabad-galyada guud.
Sikastaba arrintu ha ahaatee, Howlaha ay ka wadaan Magaalada B/weyne Ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa u muuqda kuwo dadku soo dhaweynayo, laakiin lama oga ilaa inta ay sii socon karaan maadaama inta badan Mas’uuliyiintu yihiin kuwo marka hore bilaaba howlo dadku u riyaaqo kadibna arrimuhu noqdaan kuwo ku laabta halkoodii hore.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online






