Sabti,
Marxuumka ayaa la dilay xili uu ku sii socday Xarunta iyo Idaacadaha Horn Afrik iyo Capital Voice oo hal meel ku wada yaala, iyadoo lagu dilay iridka Xarunta Idaacadahaas.
Ragga dilay Wariye Mahad Axmed Cilmi ayaa la sheegay in ay saakay oo dhan fadhiyeen meesha ay ku dileen, kuwaasi oo markii ay dilka geysteen kadib baxsaday.
Alle ha u naxariistee Mahad Axmed Cilmi ayaa muddo lix sano ah waxaa uu Agaasime ka ahaa Idaacadda Capital Voice oo ah Idaacad ku caan baxday soo banaan bixinta dhibaatooyinka ay qabaan Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa laga tirada badan yahay iyo kuwa aan waxba heysan ee u baahan in la kaalmeeyo.
Marxuumka waxaa si gaar ah loogu xusuustaa barnaamij ka baxa Idaacadda Capital Voice oo la magac baxay Muqdisho iyo maanta, kaasi oo qeyb ka mid ah oo la yiraahdo Hoodi Hoodi lagu ogaado sida ay dadka ku dhaqan inta badan gobollada Dalka Soomaaliya ay ku soo tooseen subax walba.
Dadka Muqdisho ayaa si weyn uga naxay dilka loo geystay wariye Mahad Axmed Cilmi oo saakay markii uu soo baxay warka ku saabsan dilka Wariyaha la arkayay dad badan oo isu sheegayay in la dilay Wariyihii Hoodi Hoodi, waa sida ay ku barteene.
Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa muddooyinkan dambe waxaa ku soo badanaya dilalka loo geysanayo dadka aan waxba galabsan, iyadoo dilalkaasina ay ka dambeeyaan koox aan heybtooda la garan oo Bastoolado ku hubeysan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






