Jimco, August 10, 2007HOL): Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxay ku jirtay habeen kale oo dagaal ah, iyadoo la xusuusan yahay in habeen hore uu dagaal xooggan ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmada Huriwaa.
Dagaalkii xalay oo socday muddo saacad ku dhow ayaa wuxuu ka dhacay fariisin ay Ciidamada Dowladda Federaalka ku leeyihiin Warshaddii Tolmada oo u dhow Warshadii Caanaha, iyadoo iska hor-imaadkaasna la isugu adeegsaday hub culus iyo mid fudud.
Sidoo kalena iska hor-imaadyo kale ayaa isla xalay waxay saacado kala duwan ka dhaceen Saldhigyada Booliska Degmooyinka Huriwaa iyo Howl-Wadaag iyo weliba agagaaraha Xeradii Shiirkole oo fariisin u ah Ciidamo Itoobiyaan ah.
Iska hor-imaadkaas ayaa intii uu socday waxaa la isugu adeegsaday Baasuukayaal, Hoobiyayaal iyo weliba Qoryaha Lidka Diyaaradaha, kuwaasi oo hurdada ka toosiyay dad badan oo ku dhaqan Magaalada Muqdisho, iyadoo la sheegayo in xaafadaha u dhow meelaha ay dagaalladu ka dhaceen ay dad wax ku noqdeen kadib markii ay guryahooda ugu tagtay rasaas habow ah oo isugu jirtay mid yar iyo mid weyn.
Weerarrada habeenkii lagu qaado Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan ayaa waxay dhacayaan iyadoo magaalada Muqdisho ay ka socdaan howlgallo ammaanka lagu sugayo, kuwaasi oo ay wadeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya, waxaana muuqata in kooxaha habeenkii weerarrada qaada ay yihiin kuwo aaney wax u dhimeynin howlgalladaas, bacdamaa habeen kasta ay weerarro qaadaan.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Deegaanadii uu xalay dagaalka ka dhacay ayaa saakay la soo sheegayaa in ay gaareen ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira, kuwaasi oo baaraya guryaha u dhow halkii uu dagaalka ka dhacay, iyadoo sidoo kalena la soo sheegayo in aaney deegaanadaas wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah ka jirin sabab la xiriirta howlgallada ay sameynayaan Ciidamadaas.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






