Jimco, August 10, 2007HOL): Guddoomiyaha Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed ayaa sheegay in kooxaha qaraxyada ka wada magaalada Muqdisho ay ka soo jeedaan Beelo Hawiye ah oo wax tabanaya, isagoo ugu baaqay beelahaas in ay qaraxyada joojiyaan, isla markaana ay sheegtaan waxa ay tabanayaan.
Cali Mahdi waxaa uu sheegay in aaney jirin wax qaraxyo lagu keenayo, isagoo sheegay in dadka qaraxyada ka dambeeya haddii aysan ka waantoobin ay ku Adduun iyo Aakhiro seegayaan, sidaas darteedna wuxuu ugu baaqay in ay dadkooda u turaan, iyagana ay isu turaan.
Cali Mahdi Maxamed waxaa uu hadalkan ka sheegay shir uu Hotelka Ramadaan kula yeeshay Xubno ka socday Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, kuwaasi oo ay ka wada hadleen sidii loo dhameyn lahaa khilaafaadka ku kala dhex jira Beelaha Hawiye.
Guddoomiyaha Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed waxaa uu sheegay in dadka wax tabanaya ay Soomaali yihiin, Hawiye-na ay ka sii yihiin, wuxuuna ugu baaqay in waxa ay tabanayaan ay hor geeyaan Shirka Dib u heshiisiinta, isagoo ballanqaaday in waxa ka maqan lala baadi-goobi doono.
Hadalka Cali Mahdi Maxamed ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo qaar ka mid ah Ergooyinka ka qeybgelaya shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliya ay ku eedeeyeen Guddiga maamulaya Shirka in aysan cadaalad ah ergooyinka wax ugu qeybineynin, halka kuwo kalena ay sheegeen in shirka uu yahay mid jaha-wareersan oo markaasina uu guddiga maamulaya ergooyinka wax ugu yeeriyo sida uu wax u doonayo.
Ugu dambeyntiina, Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo todobaadkii seddexaad socda ayaa waxaa ka biyo diiday Qaar ka mid ah Odyaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye, Maxkamadihii Islaamka iyo Xubnaha la baxay Baarlamaanka Xorta ah ee horay uga tirsanaan jiray Baarlamanka Soomaaliya, kuwaasi oo diidmadooda sabab uga dhigay in aan shirka siyaasad looga hadleynin iyo in ay weli ku jiraan Soomaaliya Ciidamada Itoobiya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






