13.4 C
London
Monday, November 10, 2025

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo isku raacay in la sameeyo Lacag cusub oo Sh. So.

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, August 10, 2007HOL):  Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo shir ku yeeshay Magalada Muqdisho ayaa waxay ka dood ka yeesheen sicir bararka ka dhashay lacag Shillin Soomaali  been abuur ah oo muddooyinka la soo gelinayay Suuqyada waa weyn ee Muqdisho, taasi  oo ay sameysteen ganacsatado la timid makiinadaha lacagta lagu daabaco.

 

Shirka ay yeesheen Golaha Wasiirrada oo uu shir guddoominayay Ra’iisal Wasaare Geeddi ayaa gunaanadkiisa waxaa ka soo baxay go’aan ahaa in ay Dowladda soo sameyso lacag sharci ah oo Shillin Soomaali ah, taasi oo lagu bedelayo lacagaha been abuurka ah ee sicir bararka dhaliyay iyo weliba lacagtii hore oo duugowday.

 

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise oo shirkaas ka qeybgalay ayaa sheegay in lacagta la soo sameynayo ay noqon doonto mid dadka ka saarta dhibaatada ay u keeneen lacagaha been abuurka ah, wuxuuna caddeeyay in lacagta ay Dowladda soo daabaceyso ay noqon doonto mid aan la been abuuri karin.

 

Bashiir Ciise waxaa uu intaas ku daray in lacagta ay Dowladda soo sameyneyso ay noqon doonto mid sarif yeelata, halka haatan lacagta laga isticmaalo Koofurta Soomaaliya uu u yar yahay, una weyn yahay Kunka Shiilin, “waxaa la sameyn doonaa lacag sarif leh oo ay dadka u aayi doonaan, hayeeshee waxaa taas ka horeysa in marka hore ogolaashaha soo sameynta lacagtan Baarlamaanka laga helo, kadibna uu Madaxweynaha saxiixo”ayuu yiri Bashiir Ciise oo ka dhawaajiyay in ay soo sameynta lacagtan cusub ay qaadan karto muddo lix bilood ah.

 

Sicir barar ka dhashay lacagaha been abuurka ah ee ay soo daabacdeen Ganacsatada ayaa wuxuu cirka ku shareeray qiimaha wax kasta oo ay dadka u baahan yihiin haba ugu horeeyo Raashinka Quutul-daruuriga ah ee aysan dadka ka maarmi karin, iyadoo sidoo kalena uu sare u kacay qiimaha sarifka Doollarka, oo haatan boqolkii Doollar Suuqyada Muqdisho lagu sarifo 1,900,000 Sh. So.

 

Dhanka kalena, kulankii ay isugu yimaadeen xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa looga dooday Ajende kale oo ahaa in dalka la soo geliyay Sigaar dhacay, kaasi oo uu sheegay Ra’iisal Wasaare Geeddi in haddii aanan dadka looga digin uu khatartiisa caafimaad la imaan doono, iyadoo dood dheer kadibna wax ka qabashada Sigaarkaas Guddi loo saaray.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).