13.4 C
London
Monday, November 10, 2025

Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo demiyay Idaacadda Shabeelle, kaxeystayna Wariyayaal u shaqeeya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, August 10, 2007HOL):  Ciidamada Booliska Dowladda KMG ah ayaa saakay gudaha u soo galay xarunta Shabakadda Warbaahinta Shabelle ee magaalada Muqdisho, iyagoona xabsiga u taxaabay dhamaan shaqaalihii ku sugnaa xarunta, isla markaana ku amray in la damiyo Idaacadda.

 

Abaaro saakay 9:30 subaxnimo ayaa ciidamo uu wato Cali Gaab oo ah taliyaha qeybta Booliska H/wadaag waxa ay soo galeen xarunta Idaacadda, iyagoo ku amray shaqaalaha in ay isugu yimaadaan qol ka mid ah Idaacadda halkaasi oo ay ka soo kaxeysteen, iyadoo wali aan la ogeyn sababaha la xiriira arinkaan.

 

Taliye Cali Gaab ayaa ku amray ciidamadii uu watay in xabsiga loo dhaadhiciyo dhamaan shaqaalaha idaacadda Shabeelle

 

7 ka mid ah shaqalaha idaacadda oo uu ku jiro K/simaha agaasimaha idaacadda Shabelle, Jacfar Kuukaay ayaa loo dhaadhiciyay xabsiga degmada H/wadaag, waxaana ka mid ahaa:-

 

1. Jacfar Kuukaay                             Ku Simaha Agaasimaha Idaacadda Shabelle.

2. Nicmco Xasan Cabdi                   (Reporter)

3. Ceydiid C/raxmaan                       (Reporter)

4. Axmed Taajir                                 (Reporter)

5. Cabdi Nuur Kediye                        (Reporter and News Caster)

6. Mustafa Xuseen Cumar                (Reporter)

7.  Cali Ajeey.                                     (Technician).

 

Arimahaan ayaa waxa ay ku soo beegmayaan xilli 7 dii bishaan oo ku beegneyd Talaadadii la soo dhaafay safaaradda Ethiopia ay ku leedahay Somalia ay ugu hanjabtay Idaacadda Shabelle sababo la xiriira sida ay uga hadasho dhacdooyinka Somalia.

 

Isha Warka: Idaacadda Shabelle

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).