Arbaco,
Magaalada xalay wax iska hor-imaadyo ah oo aad u culus kama jirin, inkastoo Ciidamo ka amar qaata Dowladda Dowladda Federaalka oo ku sugan Xaruntii Warshaddii Tolmada lagu tuuray madaafiic, kuwaasi oo la sheegay in aysan ka jawaabin Ciidamadii halkaas ku sugnaa.
Habeen hore ayaa weerar hubeysan oo aad u cuslaa waxaa lagu qaaday Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya, kuwaasi oo ku kala sugnaa Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga iyo Isgoysyo dhowr ah oo ku yaala ku yaala Wadada 30-ka.
Habeenno ka sii horeeyay oo xiriir ahaana waxaa weerarro lagu qaaday Ciidamo ka amar qaata Dowladda oo ku sugnaa Isgoyska Folorenza ee Degmada Wardhiigley iyo agaagaarka Hotelka Guuleed ee Degmada Yaaqshiid, iyadoo weerarradaasina ay si weyn u argagax geliyeen dadkii degaanka ku lahaa agagaaraha halka uu weerarkaas ka dhacay.
Tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah ay ka itaal roonaadeen Xoogag wax iska caabin ah oo qaarkood ka tirsanaa maxkamadihii Islaamka ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhaca weerarro habeenkii u badan oo ay kooxo hubeysan ku qaadayaan fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ee Muqdisho ku sugan.
Sidaasoo ay tahayna Mas’uuliyiinta dhinac ammaanka u qaabilsan Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sheegaan in aysan magaalada Muqdisho ka jirin amni darro la sheegi karo, iyagoo ku dooda in waxa weerarradaasi geysanaya ay yihiin kooxo yar oo is-qariya oo aan maalinta cad weerarro qaadi karin.
Ugu damebyntiina, Wasiirka Arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere ayaa ugu baaqay Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Muqdisho in ay Dowladda Federaalka gacan ku siiyaan sidii ay amniga u sugi lahayd, isagoo carrabka ku dhuftay in ay jiraan dad badan oo aan taageeradooda caddeyn karin, balse niyadda kala jira.
“Dad waxgarad ah oo aan la kulannay ayaa marka aan weydiino sababta ay uga qeyb-qaadan la’ yihiin howlgallada nabadeynta ah waxay nagu yiraahdaan “waa nala dilayaa oo ma hadli karno, basle niyadda ayaan idinkala jirnaa”ayuu mar kale yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






