Axad,
Wafdiga ay hoggaaminayeen Madaxweynaha iyo iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo dhinaca dhulka maray ayaa waxaa galbinayay Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysnaa, iyadoo ay wafdiga wafdigaasna ka mid ahaayeen Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Barre Aadan Shire Hiiraale iyo Maxamed Ibraahim Xaabsade.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo Muqdisho ku sugnaa maalmihii tegay ayaa shalay Baydhabo kula kulmay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika Haweeneyda lagu magacaabo Jendayi Frazer, iyadoo ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya iyo sidii ay Dowladda Mareykanka u taageeri lahayd Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dhanka kalena, waxaa maanta gaaray Magaalada Muqdisho Ciidamo tiro badan oo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo aan la sheegayo in ay Muqdisho u yimaadeen sidii ay u caawin lahaayeen Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan.
Iyadoo uu Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi uu dhowr jeer ka dhawaajiyay in uu ciidamadiisa kala baxayo dalka Soomaaliya ayaa hadana waxaa weli dalka Soomaaliya ku soo qulqulaya Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u tiro badan, iyadoo taasina ay muujineyso in ciidamada Itoobiyaanka aysan meel uga socon dalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






