8.8 C
London
Sunday, October 26, 2025

SHIR BILOW U AH DIB U HISHIISIIN RASMI OO LA DHAX-DHIGO BILIHII KU DAGAALAMAY DEEGAANKA BAAR-MAGOOG OO KA TIRSAN DHULKA ISMAAMULKA ITOOBIYA OO LAGU QABTAY MAGAALADA B/WEYN.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Sabti, 7, Apri. 2007 (HOL)  Shir dib u hishiisiin ah Islamarkaana Bilow u ah wada hadalo lagu soo Afjarayo Colaada u dhaxeeysa Beelihii ku Dagaalamay horaantii sanadkan deegaanka Baar-Magoog ee dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu Qabtay Magaalada B/weyn ee Xarunta Gobalka Hiiraan.
 
Shirka oo ay soo qaban Qaabiyeen Ugaasyada iyo waliba Duubabka dhaqanka Guud ahaan Gobalka Hiiraan ayaa ayna Goob joog ka ahaayeen  Mas’uuliyiinta Maamulka heer Gobal iyo Degmo, kuwa Hay’adaha samafalka ee ka howl-gala Gobalka, Saraakiil ka socta Dowlada Itoobiya, iyo waliba marti sharaf kale, ayaa ugu horeyn waxaa ka hadalay  Ugaas C/xakiin Ugaas Maxaad oo ku hadlayay Afka-duubabka dhaqanka waxaana uu sheegay in  Madashu tahay mid ay dhigeen Ugaasyada, islamarkaana ujeetada ka danbeeysa ay tahay in dhamaan Meesha laga saaro Qilaafka u dhaxeeya Beelaha dagaalku dhaxmaray,
 
Sidoo kale waxaa uu Ugaasku intaa ku daray in marka la eego marxalada hada uu dalku marayo loo baahan yahay in wax weyn la taro dadka dhibaateysan halkii khilaafyo iyo waliba Colaado aan dhamaad laheyn lagu jiri lahaa, taasoo siweyn ay u soo dhaweeyeen dhinacyadii kulanka ka qeyb-gashay,
 
Dhanka kale waxaa uu sheegay Ugaas C/xakiin in kulankani yahay mid Bilow ah lakiin arinka Halkiisa laga sii Anba qaadayo si loo turxaan bixiyo wax yaabaha khilaafku ka dhashay, maadaama lawada og-yahay hishiis kasta oo la doonayo in la gaaro ay ka horeyso in wax badan laga ogaado halka mashaqadu ka oogan tahay.
 
Hadalka Ugaaska ka dib ayaa waxaa halkaa ka hadlay Odayaal labada dhinac ka soo kala jeede kuwasoo soo dhaweeyay gogasha la dhigay, iyaga oo balan qaaday in ay qaadan doonaan Nabada caqabad kasta oo is hortaagi kartana ay kuwada dadaali doonaan sidii meesha looga shaari lahaa.
 
Kulanka oo ahaa mid aad u balaaran ayaa marka laga soo tago Mas’uuliyiinta Maamulka Gobalka oo ayidan dadaalka Ugaasyada ayaa waxaa halkaa ka hadlay  Gudoomayaha degamada Feer-feer oo si weyn ugu dheeraaday doorka dowlada Itoobiya ee arimaha soomaaliya.
 
Gudoomiye Bare mar uu ka hadlayay joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Gudaha magaalada B/weyn waxaa uu sheegay in arinku uusan aheyn in dowlada Itoobiya ay ciidan u noqoneyso dadka soomaalida lakiin kaliya loo socdo sidii loo qaban lahaa wax uu ku tilmamay Shaqsiyaadkii ka haray Qas-wayaashii laga Xoreeyay dalka oo uu markaa ula jeeday Maxkamadihii Islaamiga, isaga oo intaa ku daray in  shacabka soomaaliyeed uu ka dharagsan yahay inta Askari ee Itoobiya kaga dhimatay Gudaha dalka Soomaliya Iyada oo la raadinayo sidii dib loogu soo celin lahaa Qaranimadii Bur burtay ee Soomaalida.
 
Hadalka Gudoomiyaha ayaa siweyn loogu dhag-tagayay si wax badan looga ogaado joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Magaalada B/weyn, oo dad  badan u arkayay siyaabo kala duwan, waxaana mar kale loo balamay in kulanka halkiisa laga siiwado.
 
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).