Sabti, 7, April. 2007 (HOL) Wararka ka soo baxaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Kooxo dabley ah ay dhaawac u geyteen Ku-xigeenka Duqa Magaalada Muqdisho dhinaca Maaliyada Xasan Max’ed Nuur Qalaad kadib markii ay weerar ku qaadeen Gaari uu watay oo sida la sheegay marayay Xaafada X/jajab.
Warku waxaa uu Intaa ku darayaa in Qalaad dhaawaciisa la dhigay Isbitaalka Madiina, iyada oo dhaqaatiirtuna sheegayaan in dhawaacasiisu yahay mid Fudud, walow aan la cadeyn halka dhaawacu ka soo gaaray.
Werarka lagu qaaday Xasan Max’ed Nuur Qalaad ayaan la ogeyn sababta ka danbeeysa, waxaana uu Gudoomiye Ku-xigeenku ka mid yahay Maamul kol Hore Dowlada Federaalku u sameysan Gobalka Banaadir, ilaa hadana majiro wax war ah oo ka soo baxay dhinca Dowlada oo ka hadlaya dhaawaca Ku-xigeenka Godoomiyaha Gobalka Banaadir ama Duqa Magaalada Muqdisho.
Caasimada Muqdisho ayaa Maalmihii aynu soo dhaafnay waxaa ka jiray dagalo culus oo u dhaxeeya Ciidamada dowlada Itoobiya iyo waliba kuwa dowlada Federaalka oo isku dhinac ah iyo kooxo ku kacsan, walow labadii cisho ee ina dhaaftay magaaladu ay daganeyd kadib markii xabad joojin ku meel gaar ah ay wada saxiixdeen odayaal ka soo jeeda beesha Hawiye iyo waliba Saraakiisha Itoobiya ee joogta Muqdisho.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online