Sabti, April 07, 2007(HOL): Khabiir dhinaca nabad-sugidda qaabilsan oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa ka digay in Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ee gacanta siinaya ay galeen dembi dagaal intii uu socday dagaalkii dhawaan Muqdisho ka dhacay.
Qoraalkan digniinta ah oo uu sarkaalkan u diray Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ay jiraan sababo sal adag leh oo lagu rumeysan karo in dowladaha Itoobiyaha iyo Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidamada Midowga Afrika aysan dan ka gelin dagaalkii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho ee afarta maalmood socday, sidaas darteedna ay dhici karto in ay ku xadgudbeen qawaaniintii lagu dhisay Maxkamadda dembiyada dagaalka.
Hayeeshee Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ninka lagu magacaabo Solomon Abebe oo wax laga weydiiyay hadalka ka soo yeeray sarkaalka ka tirsan Midowga Yurub ayaa sheegay in dembiyo laga hadlo aaney ahayn mid sharci ah, wuxuuna carrabka ku dhuftay in dembiyo kuwa galay ay yihiin wax uu ugu yeeray seef la boodka dhegaha ka fureystay baaqyada beesha Caalamka. Sidoo kalena Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Uganda Ruth Nankabirwa ayaa sheegtay in eedahaasi ay yihiin kuwo aan xaq ahayn oo looga baahan yahay in ciddii soo jeedisay ay ka noqoto, isla markaana ay raaligelin ka bixiso.
Khabiirkan ka tirsan Midowga Yurub waxaa uu sheegay in wel welka uu qabo uu ka dheehday hadal ka soo yeeray saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka oo horay u soo jeediyay digniin ah in ay dadka shacabka ah ka baxaan xaafadaha ay ku sugan yihiin kooxaha ka soo horjeeda, haddii ay ka bixi waayaana ay duqeyn doonaan, sidoo kalena wuxuu sheegay in uu warbixintiisa u soo daliishaday warbixinno uu ka helay Ururro u dooda Xuquuqda Aadanaha oo fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho.
Si kastaba arrintu ha ahaatee Sarkaalka waxaa uu u sheegay Midowga Yurub laf ahaantiisa in haddii uusan tallaabo ka qaadan arrintan uu lug ku yeelanayo waayo Midowga Yurub waxaa uu lacag siiyaa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo iyadu qeyb ka ah Dagaalladii dhawaan Muqdisho ka dhacay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






