10.2 C
London
Sunday, October 26, 2025

Doon iyo Markab ay Koox Burcad badeed ah ku heysteen Xeebaha Soomaaliya oo waan waan iyo madax furasho lagu sii daayay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, April 07, 2007(HOL): Doon u kireysneyd ganacsato Soomaaliyeed iyo Markab u kireysnaa Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP ayaa lagu guuleystay in wada hadal iyo lacag madax furasho ah lagu sii kala daayo.

 

Markab u kireysnaa Hay’adda WFP oo ku af-duubnaa Xeebaha Deegaanada Puntland ayaa sii deyntiisa waxaa suurtageliyay Odayaasha Deegaanka oo iyagu xiriir la sameeyay Kooxda Burcad Badeedka ah ee Markabka heysatay.

 

Markabkan oo lagu magacaabo MV Raso ayaa markii la af-duubanayay wuxuu markii la af-duubanayay ku sii jeeday Magaalada Mombasa ee dalka Kenya kadib markii uu ku soo dejiyay rarkii saarnaa Dekedaha Berbera iyo Boosaaso, wuxuuna muddo afar asbuuc ka badan lagu heystay deegaanada Puntland, gaar ahaan Deegaano ka tirsan Gobolka Nugaal. Ma jiraan wax madax furasho ah oo lagu bixiyay sii deynta markabkan waxaa uuna u shiraacday Magaalada Mombasa, iyadoo ay bed qabaan Markabka iyo Shaqaalaha saaran.

 

Doon u kireysneyd ganacsato Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Nimcatullaah oo heysteen koox Burcad Badeed ah ayaa la sii daayay kadib markii kooxdii heystatay la siiyay lacag dhan 45 Kun oo Doollar  oo madax furasho ah.

 

Kooxaha Burcad Badeedka ah ee Maraakiibta Afduubta ayaa waxay Xeebaha Soomaaliya ka dilaaceen sanadkii 2005, xiligaasi oo ay qafaasheen maraakiib badan oo isugu jiray kuwo gargaar u waday dad waxyeello ka soo gaartay Bad-gariirkii Tsunami ee dabayaaqadii sanadkii 2004 ku dhuftay Badweynta Hindiya iyo kuwo kale oo ganacsato u rarnaa.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).