Sabti,
Dadkani oo u badan caruur, haween iyo dad waayeello ah ayaa waxaa heysata xalad nololeed oo aad u adag, waxaana deegaanka ay u qaxeen aad ugu yar biyaha iyo raashinka quutul daruuriga ah ee ay dadku manaafacaadsadaan, tiiyoo ay u sii dheer tahay in uu qiimo koror ku yimid raashinka noocyadiisa kala duwan.
Dadka ka qaxay Magaalada Muqdisho ee aan gaarin Magaalooyinka waa weyn ee gobollada la deriska ah Gobolka Banaadir ayaa degay geedo hoostood, iyadoo maalintii ay ku baxeyso qoraxda, habeenkiina qabowga.
Ururrada Bulshada Rayidka magaalada Muqdisho iyo Hay’adda Daryeel Bulsho Guud (DBG) ayaa dadkaasi barakacay u qeybiyay biyo nadiif ah, inkastoo ay weli dadkaasi qabaan baahi dhinaca biyaha nadiifka ah.
Madiino Maxamuud Cilmi (Madiino Janaraal) oo ah Guddoomiye ku xigeenka Guddi ay u xil saareen Ururrada Bulshada Rayidka u gargaaridda dadkaas barakacay ayaa Beesha Caalamka iyo Dadka Soomaaliyeed ee wax heysta ugu baaqday in ay gargaar la gaaraan dadkaasi tabaaleysan ee geedaha ku hoos nool.
Caruurtii loola qaxay Deegaankaas ayaa badankood waxaa soo ritay xanuunno ay ka mid yihiin shuban biyoodka iyo xasaasiyad ay ka qaadeen hawada cusub ee loo bixiyay.
Si kastaba arrintu ha ahaatee dadka ka qaxay Magaalada Muqdisho ee u barakacay deegaanada Ceelasha Biyaha ee Degmada Afgooye ayaa waxaa heysata xaalad nololeed oo aad u adag, waxayna u baahan yihiin gargaar bani’aadannimo oo ay helaan dadka Soomaaliyeed ee wax heysta iyo Hay’adaha wax kaalmeeya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






